Warbixin Musharaxnimada Sureer Abshir Hammaan.

Ambassador Sureer Abshir Muuse oo culuumta cilmiga bulshada iyo xiriirka iskaashiga caalamiga ah kusoo baratay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ah shaqsi waayo aragnimo shaqo u leh ilaa 30 sano , Waxay si rasmiya 29 Setemper 2016 Garowe ugaga dhawaaqday Musharax Xildhibaan Aqalka hoose ee Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya.

Taariiikhda Musharax Sureer Abshir

Sanadkii 1986-dii waxay soo noqotay Kuxigeenkii danjirihii u fadhiyay Soomaaliya dalka Ingiriiska, Iyadoona ahayd 12-kii sano ee xilligii dowladaha kumeel gaarka xiriiriyaha Soomaaliya iyo Dowlada UK.

Caawinta Somalida UK

Sureer Abshir madaama ay madax ka ahayd Safaaradda Soomaaliya ee London markii dowladii dhexe dhacday waxay kaalin weyn ka qaadatay daryeelka,dib u dejinta iyo caawinta kumanaan Soomaali ah oo qaxooti ku galay dalka Ingiriiska.

Waxqabadka Gudaha Dalka.

Sureer Abshir oo haatan u taagan u tartamida aqalka hoose ee baarlamanka federalka Soomaaliya ayaa horey wax-qabadyo la taaban karo uga samaysay deegaanada ay kazoo jeedo ee Gobolka Nugaal, waxaana lagu xasuustaa gacantii ay ka geysatay aas-aaskii dugsiga sarre ee Degmada Eyl.

Boqolaal ardey ayaa ka aflaxay dugsiga sare ee Degmada Eyl ilaa haatana Musharax Sureer Abshir Muuse waxay ka mid tahay dadka taageera Iskuulka, Islamarkaana xilli kasta la socda baahidiisa iyo horumarintiisa.

Waxay ka qeyb qaadatay Sureer Abshir Muuse Mashaariic badan oo horumarineed kuwaas oo horey uga fulay deegaanada Puntland, waxaana ka xusi karnaa Barnaamijka kaluumaysiga Eyl.

dscn6071Dhanka kale Sureer Abshir Muuse waxay ka mid ahayd dadkii gacanta lama ilaawaanka ah ka geystay taageeridii , wacyi-galintii iyo u gudbinta beesha caalamka heerka dhibaatada duufaanadii ku kala asteysnaa 2004-tii iyo 2013-kii ee ku dhuftay deegaano badan oo ka mid ah Puntland.

2011 abaarihii ku dhuftay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Sureer Abshir waxay ka mid ahayd dadkii indhaha caalamka gaar ahaan Dowlada Turkiga oo door weyn ka qaadatay kusoo jeediyey Soomaaliya.

Waxayna ka mid ahayd Ambassador Sureer dadkii horfariistay masuuliyiinta dowlada Turkiga oo ka dalbaday inay gacan siiyaan Soomaaliya taasoo sida la xasuusto u hirgashay si ka balaaran sidii ay filayeen.

Sababta Sureer isu sharaxday ?

Ambassador Sureer Abshir Muuse oo 29/9/2016 kaga dhawaaqday magaalada Garowe inay tahay musharax u taagan ka mid noqoshada Baarlamanka Soomaaliya ayaa sababta ku kaliftay inay xilkan u tartanto waxay ku sheegtay. DAAWO

Aragtida Dadka.

Tan iyo Markii bulshadu maqashay musharaxnimada Sureer Abshir waxay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay u taageersan yihiin in Sureer ka mid noqoto Baarlamanka cusub ee Soomaaliya, Iyaga oo tilmaamaya in wax-qabadkeeda iyo saameynta wanaagsan ee dalka iyo dadkaba ku leedahay horey loo soo arkay .

Aqoonyahanada,Haweenka,Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Nugaal , Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay musharaxnimada Sureer Abshir Muuse, waxayna ku booriyeen Cuqaasha,Ergooyinka iyo Isinka deegaanka ay kazoo jeedo inay taageeraan ,una codeeyaan Ambassador Sureer Abshir Muuse.

sureer-election-2016Dareenka Ururada iyo Haweenka !

Dumarka iyo Ururada u dhaq dhaqaaqa arrimaha haweenka ayaa ku tilmaamay Sureer Abshir Muuse inay tahay shaqsi hormuud u noqon kara horumarinta iyo ka qeybgalka talada dalka,Islamarkaana buuxin karta doorka haweenka iyo shacabka ay u matalayso Kursigaan, Waayo waxay ka mid tahay Sureer Abshir haweenka fara-ku tiriska oo xilal waaweyn kazoo qabtay Dowladihii Dalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST