Tababar Garowe loogu xiray Madaxda howlaha guud ee Dowladaha Hoose iyo Injineero Puntland

Garowe (Puntland Post):- Hay,adda Wadooyinka Puntland (PHA) oo kaashanaysa Hay,adda Shaqaalaha Caalamiga ee ILO ayaa maanta tababar saddex cisho socday ugu soo xirtay magaalada Garowe 50 qof oo isugu jira Injineerada Dowladaha hoose, Madaxda waaxyaha hawlaha guud, Qandaraaslayaasha, Qaar ka mid ah shaqaalaha PHA iyo Wasaaradda Howlaha Guud eee Puntland.

Mudadii uu socday tababarkan waxaa lagu barayay kazoo qeybgalayaasha buugaag sharaxaya habka loo dhiso wadooyinka iyo buundooyinka, kuwaas oo ay diyaarisay Hay,adda Wadooyinka Puntland ee PHA.

Dadka kazoo qeyb galay tababarkan ayaa ka kala yimid 8 degmo oo ka tirsan Puntland gaar ahaan degmooyinka uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG, waxaana loo qeybiyay xiritaankii tababarka buugaagta ku saabsan qaabka hagida iyo nashqadeynta buundooyinka iyo wadooyinka.

Eng Ciise Cumar Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan Hay,adda Shaqaalaha Caalamiga ee ILO ayaa ka codsaday dadka ka qeyb galay tababarkan inay ku shaqeeyaan casharada la siiyay , Isagoona hoosta ka xariiqay inay ku kormeeri doonto ILO Injineerada iyo waaxyaha howlaha guud iyo dowladaha hoose inay ugu shaqeeyaan sidii la rabay iyo in kale casharadii iyo tababaradii la siiyay.

Gudoomiye kuxigeenka Hay,adda Wadooyinka Puntland ayaa gaba-gabadii soo xiray tababarkan, wuxuuna uga mahadceliyay sida ay usoo ajiibeen kazoo qeyb galayaasha ka kala yimid 8 degmo oo ka tirsan Puntland.

img_6367 img_6369 img_6389 img_6391 img_6408 img_6413 img_6420 img_6421 img_6425 img_6431 img_6441img_6443Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST