Guddiga Doorashada Dadban Puntland oo digniin u diray Odoyaasha Qabaa,ilka

khaliif-awcali
                   Khaliif Awcali

Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Puntland u qaabilsan heer Federal Khaliif Awcali ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta dib u dhac u keentay xilligii la qorsheynayay in Odoyaasha beeluhu kusoo gudbiyaan liiska musharaxiinta u tartamaysa Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Khaliif Awcali ayaa sheegay inay mudadii horre ku dareen labo maalmood ka dib markii muran iyo khilaaf uu ka dhashay liiska musharaxiin Odoyaasha dhaqanku usoo gudbiyeen guddiga, Iyagoo aan kala tashan cidda kursiga ku tartamaysa Nabadoonada beelaha kursiga leh iyo Qoondadii haweenka laga siiyay Aqalka hoose oo meesha ka maqan.

Wuxuu si adag ugula dardaarmay Issimaddu inay wax ka bedelaan qaabkay kusoo xuleen xubnaha u tartamaya aqalka hoose,Loona baahan yahay inay ka qeybgaliyaan talada Nabadoonada Qabaa,ilkooda.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland Khaliif Awcali waxa uu sheegay inay dib ugu celiyeen Odoyaasha qaar ka dib markay dhinac mareen hanaankii la rabay in wax lagu soo xulo Islamarkaana labada maalmood oo lagu daray guddigu kala xaajoonayo siday u sixi lahaayeen khaladaadka jirra

Dhinaca Kale Khaliif Awcali waxa uu sheegay inay muhiim tahay in haweenku ka dhex muuqdaan liiska Odoyaashu usoo gudbinayaan guddiga , wuxuuna hoosta ka xariiqay in looga baahan yahay Issimada iyo Odoyaasha siday fursad u siin lahaayeen haweenka musharaxiinta ee doonaya inay u tartamaan kuraasta aqalka hoose.

Dhagayso Gudoomiye Khaliif Awcali .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST