Boosaaso xukun maanta lagu riday dad lagu eedeeyay Alshabab

BOOSASO.(Puntland Post):-Maxkamada ciidamada qalabaka sida iyo dan biyada culus ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday sadex iyo toban maxbuus oo ku eedaysan Ururka Alshabaab waxana uu mid kamid uu ka soo jeeda dalka itoobiya.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada  ciidamada qalabka sida ee Puntland Maxamuud Faarax  ayaa ugu horan ugud biyeye maxkamada danbiyada lagu soo edeyey maxabiista waxana uu sheegay in dadkan lag soo qabtay badan kooda magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka mudug xili ay ku hawlanayeen falal amniga lid ku ah.

Dhanka kale maxaabiistan maanta la hor keenay maxkamada ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee shanta gobal ee Puntland ayaa maxkamada horteeda ka dal baday in xoriyadooda dib loo siiyo madaama ay sheegen in aysan galin dan biyadan lagu soo oogay.

Dood dheer ka dib ayaa waxa maxkamada ciidamada qalabka sida iyo dan biyada culus ee Puntland ay gudo gashay danbiyadii lagu soo oogay maxaabiistan.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamaada qalbaka sida iyo dan biyada culus ee shanta gobal ee Puntland Korneel Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukuno iskugu jira siidan iyo xabsi daain.

HOOS KA DHAGAYSO QAABKA UU XUKUNKU U DHACAY

2 3 4  14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST