Shirkadda SECCCO oo Garowe kusoo bandhigtay Burjikooyin casriya

Garowe (Puntland Post):- Shirkadda SECCCO oo u taagan magac ahaan Sollar Energy Consulting And Construction Company oo kaashanaysa Hay,adda ADRA ayaa ku qabatay Garowe kulan loogu samaynayo suuq geyn Burjikooyinka dhoobada ciida laga sameeyo, Kuwaas oo u samaysan qaab casriya, Islamarkaana loogu tala-galay inay keydiyaan ama yareeyaan isticmaalka dhuxusha iyo xaabada lagu karsado cuntada

Waxaa lagu casumay kulankan oo kazoo qeyb galay 55 qof oo ka kala socda Ganacsatada,Hay,adda ADRA,Shaaqalaha sameeya burjikooyinkan casriga ee Shirkadda SECCCO iyo Xubno ka socda Hay,adda WIRES oo dumarka ku dhiiri galisa ka shaqeynta ilaalinta deegaanka iyo ka faa,iideysiga tamarta qoraxda.

Madaxa Shirkadda SECCCO Cumar Maxamuud Irbad ayaa faahfaahin ka bixiyay faa,iidada ay bulshada u leeyihiin Burjikooyinkan casriga ee loogu tala-galay in cuntada qoysasku ku karsadaan iyo waxa ay kaga duwan yihiin kuwii horey dadku u isticmaali jireen.

Irbad ayaa sheegay inuu farqi wayn u dhaxeeyo burjikooyinkan casriga iyo kuwii horey loo isticmaali jiray Islamarkaana ay ku kala duwan yihiin xaga isticmaalka Dhuxasha,Xaabada,Nadaafada,Caafimaadka,iyo Tayadda,Islamarkaana ay yihiin kuwo hoos u dhigaya dhaqaalaha qoyska uga baxa adeega Dhuxusha iyo Cunto karinta.

dsc04665Wuxuu si qoto dheer  uga sheekeeyay Cumar Irbad faa,iidada iyo waxtarka ay u leeyihiin bulshada burjikooyinkan casriga,wuxuuna sheegay in lagu ogaaday midaas ka dib cilmi baaris dheer oo lagu sameeyay , Isagoona ku sheegay agabka ay ka samaysan yihiin inuu yaalo dalka gudihiisa oo aanan ahayn mid laga keenay dibadda.

Kuxigeenka Shirkadda samaysay Burjikooyinkan Eng Samatar Cumar ayaa isna sharaxaad ka bixiyay fikradda lagu sameeyay Burjikooyinka casriga ayaa sheegay inay ka danbeysay ka dib markii ay garowsadeen baahida loo qabo ilaalinta deegaanka iyo ka faa,iideysiga Tamarta .

Eng Samatar Cumar ayaa intaas ku daray inay ku fadhiyaan Burjikooyinkan casriga Cilmi dheer iyo Taariikh fog, Islamarkaana aqoon iyo juhdi badan lagu bixiyay qaabka samayskooda, Isagoona ku sheegay tayadooda mid adag oo ka cimri dheer kuwii dadku  horey ay u isticmaali jireen .

Jaamac Faarax Muuse oo ah xiriiriyaha mashaariicda Hay,adda ADRA ayaa sheegay inuu bulshada wax tar badan u leeyahay barnaamijka ay ku soo saareyso Shirkadda SECCCO Burjikooyin casriya, Islamarkaana ay u aqoonsatay Hay,adda ADRA mid xal loogu heli karo dhibaatada xaalufka deegaanka.

Dhan kale dad badan oo isugu jira Haween, Ganacsato iyo Qaar ka mid ah bulshada ee kasoo qeyb galay kulankan  ayaa si weyn uga faalooday faa,iidada burjikooyinkan casriga ,waxayna ugu baaqeen shacabka Sooomaaliyeed gaar ahaan kan Puntland inay u istaagaan siday uga faa,iideysan lahaayeen adeegan cusub.

Daawo muuqaalka Barnaamijka .

Sidoo kale qaar ka mid ah haweenkii horey uga faa,iideystay isticmaala Burjikooyinkan casriga ah ayaa sheegay inay ula baxeen magaca KAABE kaasoo ay ula jeedaan inay kaalin muhiim ah ka ciyaareen Burjikooyinkan casriga ee  maanta lagu soo bandhigay Garowe dhaqaalihii qoyska uga bixi jiray dhuxusha iyo xaabada.

Barnaamijka lagu soo bandhigay Garowe Burjikooyin casriya oo markii ugu horeysay lagu sameeyo gudaha dalka , waxa uu qeyb ka noqonayaa barnaamij saddex sano ah oo hadda muddo labo sano ah ay waday Hay,adda ADRA, Kaasoo loogu tala-galay inuu door muhiim ah ka ciyaaro ka faa,iideysiga tamarta qoraxda iyo Yareynta Xaalufka Deegaanka.

vlcsnap-0234-05-16-19h49m16s310 vlcsnap-0270-06-26-11h00m48s947 vlcsnap-0373-08-10-20h40m38s660 vlcsnap-0562-09-07-01h03m24s393 vlcsnap-0960-06-21-16h56m29s735 vlcsnap-1001-07-30-20h19m18s343 vlcsnap-1192-06-23-18h11m32s041 vlcsnap-1289-07-11-19h34m38s830 vlcsnap-1358-09-05-16h47m49s467 vlcsnap-1391-10-22-22h37m19s340 vlcsnap-1470-07-26-11h56m40s008 vlcsnap-1491-04-15-15h36m11s836 vlcsnap-1681-08-20-15h45m36s188 vlcsnap-2002-04-23-22h07m51s474 vlcsnap-2073-01-07-14h10m13s272 vlcsnap-2317-03-09-04h36m25s956 vlcsnap-2373-11-22-18h59m44s780 vlcsnap-2463-07-13-20h11m19s099 vlcsnap-2627-11-18-15h13m42s506 vlcsnap-2636-09-02-10h03m09s389 vlcsnap-3147-05-06-12h51m10s062 vlcsnap-3346-12-20-01h44m46s219 vlcsnap-3448-03-30-03h27m38s625 vlcsnap-3813-10-14-15h10m59s665 vlcsnap-4124-07-07-06h37m11s981 vlcsnap-4422-11-12-00h08m05s197 vlcsnap-4611-09-30-04h58m41s262 vlcsnap-4698-10-07-10h30m49s919 vlcsnap-4824-07-23-17h43m41s956 vlcsnap-4829-12-22-08h46m44s029 vlcsnap-5267-02-11-09h58m46s150 vlcsnap-5476-10-02-13h40m32s413 vlcsnap-5519-05-03-07h15m41s020 vlcsnap-6005-10-28-03h32m37s000 vlcsnap-6035-05-11-16h20m03s054 vlcsnap-6077-11-21-06h02m16s977 vlcsnap-6107-08-31-08h18m35s779 vlcsnap-6616-05-09-12h50m06s189 vlcsnap-6646-07-05-23h48m01s723 vlcsnap-6691-07-10-04h35m52s748 vlcsnap-6885-02-22-22h43m35s721 vlcsnap-7297-08-30-13h35m33s310 vlcsnap-7801-05-21-20h14m50s091 vlcsnap-8069-11-28-11h50m31s108 vlcsnap-8274-08-26-17h23m08s877 vlcsnap-8398-12-16-05h12m25s888 vlcsnap-8501-07-18-21h27m39s282 vlcsnap-8622-07-02-01h38m45s934 vlcsnap-8866-12-23-14h42m12s818 vlcsnap-9084-04-08-21h51m33s904 vlcsnap-9130-05-08-18h26m38s854 vlcsnap-9259-06-04-09h25m34s114Abshir Dhiirane

PUNTLAND  POST