Puntland oo ansixisay istaraatiijiyad lagu maareynayo isbedelka Cimillada iyo Abaaraha.

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay xarunta Wasaarada deegaanka Puntland ay ku leedahay magaalada Garoowe shir lagu ansixinayo qorshaha maaraynta isbedelka Cimillada iyo Abaaraha, waxaana ka soo qayb galay kulankan Wasiirka Wasaarada Deegaanka Cali Cabdilaahi Warsame,Xildhaabo ka mid guddiga Barlamaanka Puntland u qaabilsan arrimaha deegaanka, Xubno ka socda Wasaaradaha kala ah Qorshaynta,Xanaanada Xoolaha,Beeraha iyo Waraabka iyo Hay,ada Puntland u qaabilsan Tamarta iyo Biyaha ee PSAWEYN.

Ujeedada shirkan ayaa salka ku haysa sidii hay,addaha dowliga ee Puntland u abuuri lahaayeen jawi wada shaqeyneed oo wax lagaga qabanayo Isbidelka Cimilladda iyo dhisitaanka hay,add u gaar ah wax ka qabashada howshan baaxada leh.

Xildhibaan Siciiid Daahir oo ka mid ah guddiga Barlamaanka Puntland u qaabilsan arrimaha degaanka oo madashan ka hadlay ayaa ka codsaday hay,adaha kulankan goob joog ka ahaa in loo guntado sidii wax looga qaban lahaa Taawarada Shirkadaha Isgaarsiinta ee gudaha magaaloyinka ku dhex yaala kuwaasoo uu tilmaamay inay muhiim tahay cilmi baaris deg deg ah oo lagu sameeyo saamaynta ay ku leeyihiin Deegaanka iyo Dadka-ba.

Wasiirka Deegaanka Dowladda Puntland Dr,Cali Cabdilaahi Warsame ayaa sheegay isna in loo diyaar garoobo sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka ka imaanaya isbed bedelka Cimillada hadday noqon lahayd xag Dhaqaale iyo Deegaanba,wuxuuna sheegay in marba marka danabaysa inay sii yaraanayaan Roobabka ka da,a degaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Wasaarada Deegaanka oo kaashanaysa hay,adda UNDP ay ku guulaysatay wax ka qabashada xaaladda degaanku ku sugan yahay, isagoona sheegay inay sameyeen 250 dhaam oo biyo xireeno iyo boholo la owday, Wuxuuna ka codsaday hay,addaha dowlada ee shirka kazoo qeyb galay inay kala shaqeeyaan sameynta guddi la socda isbed bedelka ku imaanaya cimillada.

img_6086 img_6088 img_6093 img_6098 img_6103 img_6104 img_6106 img_6114 img_6116 img_6117 img_6119 img_6122 img_6125 img_6126 img_6128 img_6133 img_6140 img_6141 img_6146 img_6147 img_6150 img_6151 img_6160 img_6161 img_6163 img_6167 img_6168 img_6169 img_6186 img_6200 img_6204 img_6217 img_6227 img_6232 img_6233 img_6240 img_6245 img_6254 img_6277 img_6279 img_6283 img_6285 img_6287 img_6289 img_6291 img_6299 img_6315 img_6320Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST