Madaxweynaha Puntland Oo Goor dhawa ka soo dagi doona Bosaso

Madaxweynaha Dawalada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhow lagu wadaa in uu ka soo dego garoonka diyaaradaha Boosaaso isaga iyo wafti uu hogaaminayo.

Soo dhowenta Madaxweynaha Puntland ayaa socota waxaana aad loo adkeeyey wadooyinka ka soo baxa garoonka diyaradaha ee Boosaaso iyadoona aad wadooyinka  ku arkayso ciidan sugaya Amaanka .

Marka uu soo gaaro Madaxweyne Gaas Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu lahadlo saxaafada islamarkaana uu uga warbixiyo safarkii uu ku maqnaa.

Lasoco Faah faahinta Safarka Madaxwayne Gaas ee Boosaso PUNTLAND POST

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST ,BOOSASO