Wasaaradda haweenka oo shir la yeelatay Odayaasha beelaha Puntland

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda haweenka iyo horumarinta Qoyska Puntland ayaa maanta shir kula yeelatay magaalada Garowe , Odoyaasha dhaqanka beelaha Puntland, waxaana lagu gorfeeyay kulankan sidii Odoyaasha dhaqanku u meel marin lahaayeen qoondada haweenku ku leeyihiin kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa goob joog ka ahaa kulankan Wasiirka Wasaaradda Haweenka Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin, In badan oo ka mid ah  Odoyaal dhaqmeedka beelaha Puntland, Saraakiil ka socota xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda iyo Xubno ka mid ah haweenka musharaxiinta ee doonaya inay u tartamaan aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Ujeedada kulankan ayaa salka ku haysay sidii Wasaaraddu ugu weydiisan lahayd Odoyaal dhaqanka in meel mariyaan fulinta %30 qoondada haweenku ay ku leeyihiin kuraasta Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Odoyaasha kazoo qeyb galay kulanka maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Haweenka Puntland ku leedahay magaalada Garowe ayaa sheegay inay balan-qaadayaan dhankooda inaysan marnaba dafirin xuquuqda haweenku ku leeyihiin dalka.

Gaba-gabadii Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in Odoyaashu muujiyeen dadaal iyo howl-karnimo , balse marar badan ay ka janjeereen sidii haweenku u heli lahaa xuquuqdooda.

Sawiiro.

img_5843 img_5846 img_5856 img_5870 img_5880 img_5881 img_5890 img_5894 img_5898 img_5902 img_5904 img_5905 img_5907 img_5910 img_5926 img_5933 img_5937 img_5941 img_5962 img_5967 img_5979 img_5983 img_5989Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST