Shir looga arrinsanayo joojinta Tahriibta oo ka furmay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir looga arrinsanayo ka hortaga tahriibta oo fara kulul ku haysa dalka Soomaaliya, waxaana kazoo qeyb galay shirkan oo ay iska kaashadeen Hay,adda NCA iyo Xafiiska la dagaalanka Burcad badeeda Puntland qeybo ka socda bulshada rayidka ah sida Culimo udiin,Odoyaal, Dhalinyaro,Haween,iyo Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeeda Puntland.

Cabdirasaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay Ajandaha shirkan, wuxuuna sheegay in 4tii biloodba la qaban doono kulan looga arrinsanayo Sidee wax looga qaban karaa Tahriibta ?, Wuxuuna ku tilmaamay tahriibta inay tahay Adoonsiga Casriga ah, Islamarkaana ay ugu waaweyn yihiin  waxyaabaha sababay saddex arrimood oo kala ah ,Colaad,Fakhri iyo Musiibooyin kale oo dabiiciya.

Cabdirasaq Ducaysane Agaasimaha Xafiiska la dagaalanka Burcad badeedka Puntland ayaa ka waramay qaabkii looga cirib tiray  Puntland falalkii burcad badeednimada, wuxuuna sheegay inay ugu muhiimsanaayeen sameynta guddiyo ka kooban qeybaha bulshada iyo Warbaahinta oo door muhiim ah ka ciyaareysay  sidii looga wacyi-galin lahaa bulshada.

1 2 3 4 5 6 img_5294 img_5329 img_5339 img_5358 img_5364 img_5373 img_5376 img_5377 img_5381 img_5385 img_5391 img_5394 img_5399 img_5401 img_5408 img_5409 img_5411 img_5412 img_5414 img_5419 img_5424 img_5425 img_5432 img_5439 img_5444 img_5446 img_5448 img_5449 img_5451 img_5452Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.