Garowe (Puntland Post)Kulan ay isugu yimaadeen magaalada Garowe Suldaanka,Aqoonyahanadda,Nabadoonadda , Cuqaasha,Siyaasiinta iyo Dhalinyaradda Beesha Gumasoor ayay ku cambaareeyeen qaabka Puntland looga qeybiyay kuraasta Aqalka sarre iyo Kan hoose ee Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya.
Kulanka ka dib bayaan ay soo saartay Beesha Gumasoor ayaa lagu dhaliilay in xubnaha aqalka sarre loogu daray beelihii horrey xilalka iyo kuraasta uga haystay Puntland iyo Baarlamanka Soomaaliya.
Waxaana baaq loogu jeediyay bayaanka kasoo baxay Beesha Gumasoor inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan dhamaan dadka ku abtirsada beesha , meel kasta oo ay kala joogaan dal iyo dibad-ba.
Sidoo kale Bayaanka beesha ayaa baaq nabadeed loogu jeediyay dhinacyada colaadu ka dhaxayso ee isku horfadhiya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Hoos ka akhriso bayaanka ay soo saartay Beesha Gumasoor.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/10/scan0001.pdf
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST