Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland Dowlada Federalka Soomaaliya Nabadoon Khaliif Aw Cali ayaa sheegay in Puntland wax ka bedel ku samaysay liiska musharaxiinta u tartamaysa aqalka sarre ee Baarlamanka Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in haweenka laga siiyay aqalka sarre labo kursi oo ay haween kaliya ku tartami doonaan, Taas oo uu sheegey inaysan ka dhex muuqan maalintii horre kuraas ay si gaar ah ugu tartamayaan haweenku.
Khaliif Awcali ayaa sheegay marka laga tago labada kursi ee haweenku si gaar ah ugu tartamayaan aqalka sarre ee baarlamanka Soomaaliya inay ilaa 10 haween ah oo kale ay raga kula tartami doonaan kuraasta aqalka sarre .
Dhanka kale Khaliif Awcali ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay guddiga qaar ka mid ah liiska ergayda dooranaysa xubnaha aqalka hoose u tartamaya, wuxuuna sheegay in 50% ay wali beeluhu soo gudbin ergooyinka dooranaysa aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.
Khaliif Aw Cali ayaa sheegay inuu jiro jadwal iyo xilli loogu tala-galay inay Odoyaasha beeluhu kusoo gudbiyaan ergayga, Isagoona sheegay in 22-ka bishan kama danbays u qabteen odayaasha dhaqanka inay kusoo dhamaystiraan ergayda , Wuxuuna hoosta ka xariiqay in looga baahan yahay Odoyaasha inay ilaaliyaan waqtiga looga baahan yahay ergeyda dooranaysa xubnaha aqalka hoose ku tartamaya.
Dhagayso wareysiga Khaliif Awcali.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST