Boosaso 42 Arday Oo ka qalin Jabiyey Akadamiyad Barshad Hogaanka iyo Maamulka ,

Aradaydan baratay kuliyad maamulka iyo maaranta ayaa waxa munasabad lagu gudoonsinayey shahaadoyin lagu qabtay hoolka Shirarka ee Alsabaax ee magaalada boosaso.

Waxana ka qab galaya Gudoomiye ku xigeenka jaamacad Bariga Afrika Macalimiin Walidiin iyo Bulshada qaybeheeda kal duwan .

Gudoomiyah Akadamida barshada hogaanka iyo maamulka ayaa ugu horan ka hadalay goobata waxana uu ka war bixiyeye maraxaladihii kal duwaan ee ay soo martay Akadamiyadu isagoona sheegay in sadex sano jirtay islamarkaan ay dafcadan ay tahay tii ugu horaysay oo ka qalin jabisay Akadamiyada barshada hogaanka iyo Maamulka  xarunteeda boosaso.

Gudoomiye ku xigeenka jaamacad Bariga Afrika Maxamed Maxamuud Ciise ayaa u hanpalyeya ardaydan ka qalin jabisay Akadamiyad barshad Hogaanka iyo Maamulka  waxan uu kula dar daaramay in ay halkaas dadaalkoda ay ka sii wadaan.

Qaarkamid ah macalimiintii munasabada ka qab galay ayaa dhankood munasabad ka hadalay waxayna  hanpalyo u diren Ardaydan lagu doon sinayo shahaadooyinka

Inta ay munasabadu socotay ayaa walidiinta iyo bulshadii ka qaybgashay munasabad ayaa ka  hadalay ardayda ku booriyey in ay dadaalkooda sii wadan islamarkaan ay yihiin mustaqbalkii maanta .

Akadamiyada barshada hogaanka iyo maamulka ayaa wax ay xiriir la leedahay Akadamiyad ku taala magaalad khartuumo ee wadanka suudan.

khdfgjhkjlk-7

khdfgjhkjlk-8

khdfgjhkjlk-1

khdfgjhkjlk-2

khdfgjhkjlk-5

khdfgjhkjlk-6