Garowe (Puntland Post):- Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma,ake ayaa goordhow soo gaaray magaalada Garoowe.
Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa garoonka diyaaradaha kanooko kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaana ay ka wadahadleen colaada Gaalkacyo.
Cumar Cabdirashiid oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu u yimid Puntland sidii waanwaan nabadeed uga dhexbilaabi lahaa Puntland iyo Galmudug waxaana uu sheegay inuu lasoo kulmay madaxda galmudug ayna kawada hadleen sidii xiisada coladeed loo soo afjiri lahaa.
Madaxweynaha Puntland oo isna hadlay ayaa sheegay inay Raysalwasaaraha ka wada hadleen arimaha gaalkacyo,Cabdiwali ayaa sheegay in puntland waligeed ay nabad raadinaysay islamarkaana aysan cidna duulaan ku ahayn.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka kadib safar ugu ambabaxay dalka itoobiya.
Faahfaahino dheeri ah goor dhow kala soco PUNTLAND POST
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST

Dagaaladaan Mudug Galkacyo kaga imaanaya Koofurta Somalia, horayna arin Somaliyeed iyo kawaantow Calaad abaabul lagu xilin waayey , ujeedada Dagaalka koofureed keentayna aysan cidna ka daahnay.
Puntland waxaa la gudboon maadaama dagaalkaas ciidamada qabiilada koofureed ay FG kusheegu kasoo distay loo adeegsaday,
In Galkacyo lagu waxyeeleeyo oo Suurto gal qabsi laga raadsado:
1. Beesha caalamka in loosheego ka jooginta taakulaynta dhamaan Ciidanka FG, oo dagaalada Mudug si toos ah uga qayqaatay.
2. Beesha caalamku ay Puntland ka saacido wax kasta oo ay isaga Celin karto Hubka Culus oo shacabka lugu laynayo , guryaha na lagu burburinayo.
3. Haddii taas lawaayo, waxaa imaan in beesha Caalamku ay isaga baxdo Somalia, colaadii Somaliyana soo noqoto.
4. Shacabka iyo magaalada lagu soo duulduulin, cid xaq ugu leh inay far saarto majirto.
5. Dadka colaada Galkacyo ka shaqaynaya oo istudka beentaa qabaana way ogsoonyihiin, dadkaygu malaayiin sano ayuu jiraa oo joogaa, dalkiisaa, dagaankiisa iyo dagaamada laga haysto.
6. Cayaar dagaal iyo istus madhamaynaa, oo mays waraysanaa waxa istuska beentaa idinbaday oo colaada Gaalkacyo loogu soo noqnoqon.
7. Waxaan Somalia u roonaan lahayd ka waantowga Colaada Galkacyo, iyo joojinta istuska beentaa.
Waa Shacab malaayiin sano, iyo dad abuur la da’a iyo dalkiis, waxaad kusoo duulin.
Waxaan soo jeedin
1. Hakad in lagaliyo doorashooyinka
2. Banaan baxyo in laga sameeyo puntland aan Galkacyo Mudug kujirin kuwaas oo looga soo horjeedo musaacidada beesha Caalamku ay siiyaan DF beentaa taasoo sababtay duulaan isdaba jooga oo Hub culus loo adeegsaday.
3. In lawado banaanbaxyo ilaa beesha Caalamku ay jarto xariirkeeda DF beenta.
4. Ilaa beesha Caalamku ay Puntland ka saacido sidii ay isga daafici lahayd Ciidanka iyo Hubka Culus oo iskaadhatada qabiilka DF ay ku weerarayaan Galkacyo Mudug.
5. Arintaanu waa mid khatar ah oo ubaahan istaaga shacabka Puntland.
Arintaanu waa colaad cadaw oo khatar ah. Waa colaad laga soo shaqeeyey, waa colaad ku wajahan dadka iyo dalka Puntland.
Shacabka iyo Dawlada Puntland waxaan usheegin dal cadaw weerar dalkiisa ku yahay Doorasho kama dhicin.
Arinta Galkacyo Mudug, khatar ayey ku tahay dadka iyo dalka Puntland.
Weeraradaan isdaba joogaa oo iskaashatada cadawgu Ku hayaan Galkacyo Mudug, waxay ubaahantahay wax kaqabadka dadka iyo dawlada Puntland.
Maaha mid Cumar Cadirashiid iyo Ahmed Madoobe, intii aan doorasho laga hadlin Puntland waa inay waxka qabataa Arintaan masiiriga ah, oo khatarta ku ah shacabka Puntland.
Doorashadu waa mid aan jirin oo been, haddii aan Colaada, beesha Caalamku, DF qabiilada ciidankoodu kagaalamayo weerarka Galkacyo aan kama dambays ah looga hortagin.
Arintaan Galkacyo Mudug waa arin Cadaw oo jiidan karta howlgalka ICC.