Boosaso,, Haweenka Gobalka Bari Oo Baaq Udiray Dhinacyada ku Dagaalamaya Gaalkacayo

Kulan looga hadalayeye baaqyo ku salaysan nabada iyo xasilonida gobolka Mudug ayaa lagu qabtay magaalad Boosaso ee xarunta gobalka bari .

 

Waxaana isugu yimid qaybaha kala gadisan ee ururka haweenka gobolka bari iyo gabdhaha suluxul khayr kuwaasoo baaqooda ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dadka shacabka looga joojiyo dagaaladaasi ka socda gaalakcyo.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadashay Gudoomiyha ururka haweenka gobolka bari Maryan Guduud oo ku baraarujisay dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya in ay qaataan nabada dagaalna uusan dhinacna u fiicnayn.

Nadiifo Axmed oo ka mid ahayd gabdhihii kulankaas ka hadlay ayaa sheegtay iyadoo eegaysa diintu waxa ay ka qabto dadka dagaalada hurinaya oo dhiiga xalaalsaday in.

alle uu og yahay cida dambiyadaas galaya lagana jaaseyn dono waxayna sidoo kale sheegtay in loo gargaaro gabdhihii iyo caruurtii ka barakacay guryahooda…

Salaado Abti doon oo ka mid ah haweenka gobolka bari ayaa iyadana sheegtay in maamulada ku dagaalamaya Gaalkacyo ay eegaan danaha shacabka iyo horumarkoda hadii kale lagula xisaabtami dono dhimashada iyo barakaca shacabka..

Gabagabadii ayaa waxaa si wadajir ah kulaanka uga hadlay haween kala duwan oo dhamantood baaq u diray dhinacyad ku dagaalamay Gaalkacayo

Hoos ka dhagayso codka haweenka gobalka bari

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST