Odayaasha Qardho oo go’aan kasoo saaray kuraasta Aqalka hoose ee Somalia

Qardho (Puntland Post):- Inta badan Nabadoonada beesha Cismaan Maxamuud ayaa shir ay yeesheen 21 Setemper kasoo saarey war ay ku sheegeen in si furan loogu tartamayo labada kursi ee beeshu ku leedahay Aqalka Hoose ee baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya , kadib markii is qab-qabsi uu ka dhashay ayay sidaas ku go,aamiyeen maalintii isniinta kulan ay yeesheen Odoyaasha dhaqanka ee magaalada Qardho.

Nabadoon Abshir Dhagcas oo ka mid ah Nabadoonada ka hadlay Kulanka Maanta ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan in si Furan ay ugu qeybgalaan Musharixiinta daneenaya Xildhibaanada ay leeyihiin Beesha Cismaan Maxamuud”21-9-2016 Shirkii ay isugu yimaadeen Nabadoonada Beesha Cismaan Maxamud 35 ka mid ah Nabadoonada waxa ay isku raaceen in si furan loogu qeybgalo Tartanka loogu jira Labada Xildhibaan oo ay leydahay Beesha,Arintaan waxaa loo gaaray in lagu kala badbaado,waxaana loo arkay dan in ay tahay howshaas,sidaa darteed waxaa si aqlibiyad ah Beesha Cismaan Maxamuud ay isku raacday in Howshaan si furan loo wajaho”ayuu yiri Nabadoon Dhagcas.

Nabadoon Cali Cabdi Aadan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan Shirarka ka dhacay Qardho,waxa uu Hoosta ka xariiqay in arintaa Go’aanka ay qaateen Nabadoonad in uu yahay Badbaado maadaama Buuq badan uu ka dhashay Xildhibaanada Beesha”Waxaa Baaq u dirayaa Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo kan Heer Federaal in ay si hoose ula socdaan arintaan,Beesha waxa ay go’aan ku gaareen in si furan loogu qeybgalo Xildhibaanada Beesha Cismaan Maxamuud,Howshaan waa mid qof walbo ku qanci karo waa Maslaxo,Cid lagu duulayo ama lagu gardaroonayo ma jirto,Dhammaan inta ay quseyso Doorashooyinka waa in ay Ogaadaan arintaan”ayuu yiri Nabadoon Cali Cabdi.

Nabadoon Cismaan Cabdi Siciid oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay Taageerayaan doorashada furan oo ay ka qeybgalikaraan Qofwalbo oo aqoon leh”Haddii Tartanka Doorashada laga dhigo mid xiran waa mid dhibkeyda leh,Waxaa jira dad badan oo aqoon leh iyo karti leh oo waxbadan qabankara waa in fursad la siiyaa dhammaan dadka wax tarka u leh Beesha”Ayuu yiri Nabadoon Cismaan

Nabadoon Cabdirashiid Maxamuud Shire (Shoodhe) ayaa soo dhaweeyey in Labada Xildhibaan ee Beesha Cismaan Maxamuud in si furan loogu Tartamo”Beesha Cismaan Maxamuud waa Beel weyn,waxa ay leydahay Labao Xildhibaan,Dabadan aya damac ugu jira in ay Helaan labadaan Xubnood,Beesha Markii hore Xildhibaanda wey ku yaraayeen laakiin hadda dad badan ayaa hami ugu jira,waxaan leeyahay in si siman in loogu qeybgalo Doorashada Xildhibaanada,waxaana ku jira Maslaxadda Beesha”ayuu yiri Nabadoon Shoodhe.

Nabadoon Maxamed Cali Shire oo ka mid ahaa Nabadoonada ka hadlay kulanka ayaa Xoojiyey in la fahmo sida ay u dhaceyso sanadkaan Doorashooyinka Dalka”Xildhibaanada Sanadkaan waxaa u Codeenayo 51 Ergo,ma ahan Xiligii wax lagu qeybsan jiray 4.5,Sababta loo keenay Ergada waa in Doorashada ay Noqotaa Mid furan taasina ayaa sabab u ah in Qofwalbo oo ka qeybgalikaro ama u tartami karo Xildhibaanada Beesha Cismaan Maxamuud”ayuu yiri Nabadoon Maxamed Cali.

cuqaasha_nabadoonada_qardho-1 cuqaasha_nabadoonada_qardho-2 cuqaasha_nabadoonada_qardho-3 cuqaasha_nabadoonada_qardho-4 cuqaasha_nabadoonada_qardho-5 cuqaasha_nabadoonada_qardho-6 cuqaasha_nabadoonada_qardho-7 cuqaasha_nabadoonada_qardho-8 cuqaasha_nabadoonada_qardho-9 cuqaasha_nabadoonada_qardho-10 cuqaasha_nabadoonada_qardho-11 cuqaasha_nabadoonada_qardho-12 cuqaasha_nabadoonada_qardho-13 cuqaasha_nabadoonada_qardho-14 cuqaasha_nabadoonada_qardho-15 cuqaasha_nabadoonada_qardho-16 cuqaasha_nabadoonada_qardho-17 cuqaasha_nabadoonada_qardho-18 cuqaasha_nabadoonada_qardho-19 cuqaasha_nabadoonada_qardho-20 cuqaasha_nabadoonada_qardho-21 cuqaasha_nabadoonada_qardho-22 cuqaasha_nabadoonada_qardho-23 cuqaasha_nabadoonada_qardho-24 cuqaasha_nabadoonada_qardho-25 cuqaasha_nabadoonada_qardho-26 cuqaasha_nabadoonada_qardho-27 cuqaasha_nabadoonada_qardho-28 cuqaasha_nabadoonada_qardho-29 cuqaasha_nabadoonada_qardho-30 cuqaasha_nabadoonada_qardho-31 cuqaasha_nabadoonada_qardho-32 cuqaasha_nabadoonada_qardho-33 cuqaasha_nabadoonada_qardho-34 cuqaasha_nabadoonada_qardho-35 cuqaasha_nabadoonada_qardho-36 cuqaasha_nabadoonada_qardho-37

Cabdiqani Boos

PUNTLAND POST