Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug oo isku hor-fadhiya degaanka Godin-labe

Cadaado(Puntland Post):-Dagaal aad u kharaar ayaa labadii gelin ee maanta ku dhex maray degaanka Godinlabe ee Gobalka Galgaduud Maamulka Gobalada dhexe ee Ahlusuna Waljameeca iyo Maamulka Galmudug.

Labadan Maamul oo mid waliba uu sheegto inuu yahay Maamulka saxda ee Bartamaha Soomaaliya ayaa saakadii hore isku farasaaray degaanka Godinlabe oo ay horay gacanta ugu hayeen maleeshiyo beeleed daacad u ah culimo aw diinka Ahlusun waljameeca.

Dagaalka Godinlabe ayaa qarxay markii ay degaankaas soo gaareen ciidamo katirsan kuwo Maamul gobaleedka Galmudug, wuxuuna sheegay afhayeen u hadlay Maamulkaas inay degaanka u tageen sidii ay u qaadi lahaayeen isbaaro sharci daro ah oo halkaas oolayd balse ay arintaas ka hor yimaadeen Ahlusuna.

Sidoo kale afhayeen u hadlay Ahlusuna ayaa sheegay inay degaankaas ka cayriyeen wax uu ugu yeeray Galmudug iyo Al-shabaab oo is bahaysanaaya.

Madaxweynaha Dawlada Gobaleedka Galmudug C/kariim Xusseen Guleed iyo ciidamo xoogan oo uu hogaaminaayo ayaa galabta gaaray degaanka Godinlabe oo wax ka yar 27KM u jirta degmada Cadaado oo ah fadhiisin maamulkiisa Galmudug, waxaana halkaas mar kale ka qarxay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ilo madax banaan ayaa xaqiijinaaya inay dagaalkaas qayb ka ahaayeen ciidamo katirsan Dawlada federaalka Soomaaliya oo uu fadhigoodu yahay degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ka barbar dagaalamayey kuwa Galmudug.

Dadka degaanka ayaa sheegaya inay xaaladu cakarantahay ayna dhinacyada dagaalamay isku hor fadhiyaan goobihii dagaalku ka qarxay, si dhabana looma xaqiijin karo inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaaladan, waxaase dhaawac iyo maydba la geeyey Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb oo fadhiyo u ah labada Maamul.

PUNTLAND POST