Shirkadda Amal oo soo kordhisay shirkad cusub oo Isgaarsiina oo la baxday Amtel

Shirkadda Amal Group oo ay hoos yimaadaan shirkadaha Amal bank, Amal express, Amal real state, Amal general trading company ayaa marakanna soo kordhisay shirkad cusub oo is gaarsiin  casri ah, shirkadan oo isticmaalaysa technology-gii ugu dambeeeyey ayaa waxa ay bulshada usoo kordhisay adeeg isgaarsiin sida telephonada iyo internet xawaare dheereeya.

kulan ay ku qabatay magaalada gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qaybgalay siyaasiyiin, ganacsato, madaxda bankiga Amal ee gobolka mudug iyo madax kasocotay shirkadda cusub ee Amtel.

Waxaa kalmadda soo dhoweynta qaatay maamulaha Amal bank ee Gobalka Mudug wuxuuna bulshadiisa madasha joogtey usoo koobay ahmiyada shirkadan cusub iyo adeegyada kala duwan ee Amal Group.

Waxaa si isagu si faah-faahin u sharaxay ahmiyada shirkadan cusub u yeelan doonto umada Soomaaliyeed maamule kuxigeenka shirkadda cusub ee Amtel yacquub orshe, wuxuuna tilmaamay inay soo kordhin doonto adeegyo horumarsan oo si wanaagsan ay ugu raaxaysan doonaan umadda Soomaaliyeed. Cabdiqani Orhaye oo ah siyaasi ahna musharax utaagan xubin xildhibaan heer federal ayaa aad usoo dhoweeyey shirkadan cusub, wuxuuna sheegay inay ahmiyad weyn u leedahay bulshada, ayna tahay Horumar wanaagsan oo soo kordhay. Ahmed Mohamed Cali oo ka tirsan ganacsatada Galmudug ahna nabadoon ayaa asna aad usoo dhoweeyey dhankiisa shirkadan cusub ee Amtel.

Shirkadda Amal Group ayaa sii balaaranaysa maalinba maalinta ka dambaysa iyadoo soo kordhinaysa adeegyo iyo shirkaddo cusub oo ay si wanaagsan u mahadiyeen umadda Soomaaliyeed.

am

am-5
3-am
4-am
3-am
1-am2-am
PUNTLAND POST