Bangiga Amal oo daahfuray barnaamijka ‘Hanti ku yeelo dhulkaaga hooyo”

Garoowe(Puntland Post)-Bangiga Amal ayaa magaalada Garoowe ku daahfurka barnaamij‘Hanti ku yeelo dhulkaaga hooyo”. Daahfurka barnaamijkaas waxa ka soo qaybgaleen qurbajoog fara badan, wasiirro, guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Culimaa’uddiin iyo xubno magac iyo maammuus ku leh bulshada.

Maammulaha Bangiga Amal, Saciid Cali Shire, ayaa ka warbixiyey guud ahaan taariikhda Bangiga Amal, gaar ahaan adeegyada Bangiga Amal ugu talo galay qurbajoogta. Maamuluhu wuxuu sheegay in Bangiga Amal uu qurbajoogta u diyaariyey adeegyo, tababbaro, la talin, warbixinno iyo wax kasta oo qayb ka noqon kara in qurbajoogtu maalgashi ku sameeyaan dalkooda hooyo.

Maammuluhu wuxuu sheegay in hadafku yahay sidii qurbajoogtu u heli lahaayeen macluumaad ku filan, dhammaystiran, sax ah oo saldhig u noqda go’aamada maalgashiga dalka.

Barnaamijkaan oo sida Maamulaha Bangigu sheegay hordhac u ah barnaamij taxane ah oo Bangiga Amal ugu talo galay qurbajoogta ayaa waxa looga hadlay caqabaadka dhanka qaanuunka ah ee qurbajoogtu la kulmaan markay maalgashi ku samaynayaan waddanka.

Dr. Yuusuf Xaaji Nuur, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, oo ka hadlay madashaas ayaa ku dheeraaday xeerarka iyo qawaaniinta kala duwan ee haga noocyada kala duwan ee maalgashiga iyo sharikaadka. Guddoomiyuhu wuxuu dadka qurbajoogta ah la wadaagay talooyin ku aaddan dhinacyada maalgashiga iyo yagleelidda ganacsiyo cusub.

Si looga taxaddaro khaladaadka, guddoomiyuhu wuxuu qurbajoogta kula taliyey in inta aysan maalgashi samayn ay la xiriiraan dad aqoon u leh qawaaniinta waddanka iyo dhaqaalaha. Meesha dadka aqoonta u leh qawaaniintu ay kaa caawin karaan sidaad u yarayn lahayd khaladaadka dhanka qawaaniinta, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhaqaalayahannadu kaa caawin karaan sidaad u horumarin maalgashigaaga.

Guddoomiyuhu wuxuu soo qaatay tusaalooyin farabadan oo uu la kulmay muddadii dheerayd ee uu ku dhex jirey maxkamadaha. Si looga badbaado khaladaadkaas, guddoomiyuhu wuxuu ku taliyey in lala tashado qareemmada, dhaqaalayahannada iyo hey’adaha maaliyadda oo Bangiga Amal ugu horreeyo.

Sh. Axmed Cabdisamad oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa isaguna ku ammaanay dowrka  qurbajoogta ka qaateen maalgelinta waddanka. Sheekh Axmed wuxuu sheegay in uu yaqaan dad badan oo qurbajoog ah oo maalgashi yar ku sameeyey Soomaaliya maantana maalqabeenno ah.

Xubno ka tirsan qurbajoogta oo goobta ka hadlay ayaa Bangiga Amal ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro sidii qurbajoogtu maalgashi ugu samaysan lahaayeen dhulkooda hooyo. Qurbajoogtu waxay tilmaameen in barnaamijta Bangiga Amal ugu talogalay Qurbajoogtu ay sare u qaadayso kalsoonida qurbajoogtu ku qabaan maalgashiga waddankooda.

Wasiirrada Haweenka, Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, oo barnaamijka soo xirtay ayaa Bangiga Amal ku ammaantay dowrka uu kaga jiro horumarka bulshada. Wasiirradu waxay sheegtay in barnaamijka maanta loo fadhiyo iyo barnaamijtii hore ee Bangiga Amal ugu talo galay qaybaha kala duwan ee bulshadu ay markhaanti u yihiin dowrka Bangiga Amal kaga jiro horumarka bulshada.

73

44

113

54

81

103

16

61

92

PUNTLAND POST