Puntland iyo Galmudug oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Gaalkacayo

Gaalkacayo(Puntland Post)-Iyadoo maanta dagaal ku dhawaad labba sacadood ka socday duleedka galbeed ee Magaalada Gaalkacayo ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan inuu sababay dhimashada ugu yaraan 6 qof iyo dhaawac intaa ka badan, iyadoo Dadkii ay wax yeeladu kasoo gaadhay oo u badan dhinicyada dagaalku u dhexeeyey la geeyey goobaha Caafimaadka ee Magaalada Gaalkacayo.

Dagaalkan ayaa qarxay sida ay illo madaxbanaan sheegayaan markii ciidan taabacsan Maamulka Galmudug ay weerar kusoo qaadeen goob ay Dawlada Puntland ka dhisayso maxjar iyo goobo lagu kala badelo xoolaha iyo maciishada u kala gooshta Koonfurta iyo Puntland.

Duqa  Gaalkacayo ee dhanka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inuu ahaa mid ay bilaabeen Ciidamada Puntland, walow uu qiray inuu iska hor-imaadku ka bilowday goobta ay dhisayso Puntland ee kala wareejinta gadiidka u kala goosha Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland, Xirsi ayaa sheegay inuu dagaalkii saakay khasaare nafeed dhaliyey, uuna dhankooda ka geeriyooday hal askari labba kalana ka dhaawacmeen.

Dhinaca kale duqa degmada Gaalkacayo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu saaka Gaalkacayo ka dhacay dagaal ay ka qayb galeen Ciidamada Puntland, wuxuuna sheegay inuu ahaa iska hor-imaad kooban oo dhex maray maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada dhinac, uuna dagaalku bilowday markii Maxjarka la dhisaayo ay soo weerareen maleeshiyaad kasoo jeeda dhinaca Koonfurta Gaalkacayo ee Galmudug, wuxuunta intaa ku daray inay in arimahaas ay kawada hadleen labada Maamul iminkana lagu jiro sidii xal looga gaari lahaa iska hor-imaadkaas.

Magaalada Gaalkacayo oo uu kala qaybsan Puntland iyo Galmudug ayaa hoy u ah rabashado hubaysan oo u dhexeeya Maamulada ama qabaailka degan labada dhinac, waxaana muuqata in shaqaaqooyinka hubaysan ee Gaalkacayo ay sii kordheen tan iyo dhismihii Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay C/kariim Xusseen Guuleed ee Galmudug, Hase ahaate Dadka reer Gaalkacayo ayaa u hamuun qaba nabad waarta iyo wada shaqayn dhex marta Maamulada Soomaaliyeed ee ay Magaaladu u qaybsan tahay.

PUNTLAND POST