PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

Video article Daawo Puntland oo si adag uga hadashay dagaalka Gaalkacyo

Share

Garowe (Puntland Post):- Dowlada Puntland ayaa ka hadashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada gaalkacyo, waxayna sheegtay inay weerar kusoo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabab oo aargudanaya duqeyntii 28 bishii Setemper ciidamada Soomaalida ah ee PSF-ta iyo Mareykanku ay ku sheegeen inay ku dileen xubno ka tirsan Alshabab.

Afhayeen Dowlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa sheegay in weerarkii maanta uu dhaliyay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed-ba, isagoona xusay in dowlada Puntland difaacayso dadkeeda iyo deegaanada ay maamusho ee lasoo weeraray.

Quraanjecel ayaa ku eedeyay dagaalkan kooxo is biirsaday oo uu sheegay inay ka mid tahay Alshabab, ma uusan sheegin faahfaahin ku saabsan khasaaraha rasmiga ee soo gaarey dhanka shacabka iyo ciidamada Puntland iyo Haddii uu jiro khasaare ay u geysteen ciidamada ay dagaalamayeen ee dhinaca Koonfurta Gaalkacyo.

Daawo shirka jaraa,iid ee Afhayeenka Dowlada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Dhulka xananlaydaa oo xeradii oo Miatariga markii horay loo dhaafo markaad Xamar usocoto dhinacaaga bidixdaa waxaa kaa qaban dhul xananley ah, dhulkaas waxaa mulkiyadiisa is kaleh niman Majeerteen ah muddo laga joogo 100 sano oo lasoo dhaafay kabadan, Beer ayey ahaan jirtay, magaceeda waxaa loo yiqiin Goday, sheeko Hawiye leeyahayne ma ool mana jirin dhulkaas, dhalinyaradaan xabadaha ridridaysa, maaha dad wax og ama aqoon iyo Aragti dheer uleh dhibaatooyinka ay faraha la galayaan,
    Haddii dhibaatadu kujirto dhulkaas, waa dhul taariikhiyan Puntland dadkeedu iska leeyahay. For real information .

Leave a Reply