Jamacada Muqdisho Oo Arday Cusub u Soo gaba gabaysay Todobaadka Dhaqanka

 Boosaso,(Puntland Post):- Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Magaaladda Boosaso ayaa maanta Xaflad soo Dhaweyn Ah U sameysay arayda cusub ee jaamacada ku soo biirtay sanadkaan.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Maamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, Wasiiru dawlaha wasaarada Waxbarashada ee dawlada Soomaalia Cabdullaahi Bile Nuur, Hay’ada Wadaniga ah ee TADAAMUN, xubno ka socday shirkadaha GOLIS iyo TOWFIIQ, Isimada dhaqan, Waalidiin iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Dhinaca Kale Xafladda ayaa Intii ay Socotay Waxgaradkii kala duwanaa ee ka qabgalay munasabada waxey ardayda Cusub ujeediyeen Dar-daarano la xiriira Waxbarashadooda,

Cali Cabdi Jabaar oo Ka tirsan Masuuliyiinta Jaamacada Muqdisho, Fareecada Bosaso ayaa sheegay in Barnaamijkan uu yahay mid sanad walba ay u qabtaan ardayda ku soo biirta Sanad waxbarasheedkaa jaamacada, Muhiimad weyna ay Ka leedahay Jaamacadu.

Ugaas xasan Ugaas Yaasiin iyo Beeldaaja Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Oo Ka hadlayay Xafladda Ayaa Dhiiri galiyay Ardayda ku soo Biirtay Waxbarashada Jaamacadda Muqdisho, Waxayna Sheegeen in dowladda Looga Baahanyahay iney dhiiri galiso Ardayda Waxku barata Dalka Gudihiisa,

C/laahi Sheekh Xasan Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho Faraceeda Bosaso, ayaa Rajo wanaagsan ka Muujiyay Heerka Waxbarasho ee ay marayso Jaamacada Muqdisho,wuxuuna uu ardayda u balan qaaday in Ay Jaamacada ka helayaan waxbarsho tayeysan .

Wasiiru dowlaha Wasaarada Waxbarashada ee Dowladda Fedralka Somaliya C/laahi Bile Nuur , oo ugu danbantii munasabada ka hadalay ayaa aradyad u balan qaadaya in uu ka qayb qadanayo sidii ay u heli lahyeen Waxbarsho Heer dibadeed ah.

Ugu danbeyna, Qaar kamid ah Ardayda Ku Soo biirtay Waxbarashada Sanadkan ee Jaamacadda Muqdisho ayaa ka mahadceliyay Soo Dhaweynta iyo Dhiirigalinta ay usameeyeen maamulka jaamacada Muqdisho,

Sanad kasta xiligan oo kale ayaa Jaamacadu waxa ay samaysaa munasabado lagu soo dhawaynayo Ardayda Ku soo Biirta Waxbarasho Sanadeedka Ay Sameyso Jaamacada Muqdisho Oo Kamid ah Jaamacadaha Ugu caansan Soomaaliya iyo Africa.

uuuuu-1img_3592img_3535

img_3542

jjjjjj

img_3598

img_3537

img_3545

12

kkkkk

CABDIQANI BOOS.

PUNTLAND POST BOSASO OFFICE.