Hawlgalo lagu Xaqiijinayo Amaanka oo Ka socda Kismaayo.

Ciidamada Nabadsugidda maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Jubbaland, ayaa Maanta Howlagallo lagu xaqiijinayo Ammaanka guud ee Magalada Kismaayo ayey ka sameeyeen qaar ka mid ah xafadaha magaalada .

Xafadda laamaha iyo Guulwade ayaa la sheegay in ay Ciidamadu ku soo qabteen dhalinyaro looga shikiyey falal amaanka lid ku aha .

Saraakiisha horkacaysa baaritaannadan, ayaa Warbaahinta qaar kamid ah  u sheegtay inay Dadka ay gacanta ku hayaan kala saari doonaan, isla markaana ay fasixi doonaan ciddii wax dembi ah lagu waayo.
Maamulka Gobolka Jubbada hoose, ayaa sidoo kale sheegay inay hawlgalladani qayb ka yihiin,

tallaabooyinka ay ku xaqiijinayaan nabad gelyada, maaddaama laysu diyaarinayo doorashooyinka dadban ee Dalka ee dhawaan la filayo in ay ka dhacdo.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST