Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu daahfuray xarunta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska Puntland Barnaamij lagu raadinayo qoondada miisaaniyadda haweenka ee heer Puntland, waxaana kazoo qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda,Saraakiil ka socota xafiiska Hay,adda UNWOMEN,Haween u sharaxan aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya,Gudoomiyaha Haweenka Puntland iyo Xubno ka socda Wasaaradaha Dowlada Puntland.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska Puntland oo kaashanaysa Hay,adda UNWOMEN ayaa si weyn loogu gorfeeyay sidii haweenka loogu abuuri lahaa dhakhli lagu fuliyo howlahooda u gaarka ah sida Waxbarashadooda,Caafimaadkooda,Amnigooda iyo Ku dhiirigalinta ka qeybgalka siyaasada dalka.
Wasiirka Haweenka Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo ka hadashay kulankaan ayaa sheegtay inay muhiim tahay sidii ay haweenka xaqooda u ogolaan lahaayeen Dowlada Puntland, Dowladaha bixiya deeqaha iyo Hay,addaha caalamiga ah , waxayna sheegtay in la joogo waqtigii loo sameyn lahaa haweenka qoondo miisaaniyadd u gaar ah madaama ay laf dhabar u yihiin canshuur bixyaasha soo galiya wadanka dhaqaalaha ugu badan.
Wasiir Aniso ayaa intaas ku dartay inay barbar socoto barnaamijkan xog uruurin ku saabsan sababta keentay inuu yaraado dhakhliga kusoo laabta haweenka oo ay ku sheegtay in aanu ka turjumayn dhaqaalaha ay soo galiyaan dalka iyo in la bandhigo barnaamij qeexaya baahida ay u qabaan haweenka Puntland sida ugu fudud ee loogu samayn karo miisaaniyadd u gaar ah.
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska Puntland ayaa qorsheynaysa inay dhawaan horgeyso barnaamijkan golayaasha kala duwan ee Dowlada Puntland sida Baarlamanka iyo Xukuumada,Si looga dhabeeyo inay u hesho haweenka heer Puntland qoondo miisaaniyaddeed u gaar ah taas oo la mid ah tii horey %30 siyaasadda dalka looga siiyay haweenka ka dib markii ay miiska soo saartay Wasaaraddu qorshe kale oo ay haweenka dhaqaale ugu raadinayso.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST