Garowe oo lagu daahfuray barnaamij maalgelin iyo horumarinta ganacsiga qurba-joogta

Amal Bank  iyon Hay’adda Spark ayaa maanta magaalada Garowe ku so bandhigtay  barnaamijka maalgelinta iyo hormarinta ganasiga Qurba-joogta.

Ugu horeyntii waxaa madasha ka hadlay maamulaha guud ee Bangiga Amal mudane Siciid Cali Shire oo aad ugu nuux nuuxsaday dawrka iyo kaalinta uu bangiga Amal ku leeyahay Hormarinta ganacsiga qurba- joogta iyo waliba ahmiyada weyn ee qurba joogy ugu fadhido bulshada soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii

“ Qurba- joogtu ahmiyad weyn ayay ugu fadhiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Ahmiyad weyn ayay ugu fadhiyaan marka la fiiriyo dowrka ay ku leeyihiin dhaqaalaha, ganacsiga, horumarinta bulshada, nabadaynta iyo dib u soo noolaanshaha Soomaalida.

Dhinaca dhaqaalaha, lacagta adag ee ugu badan ee waddanka soo gasha waxaa soo geliya Qurbo-joogta. Lacagta qurba joogtu soo geliyaan waddanka waxay isugu jirtaan lacago ay ku kabaan nolol maalmeedka ehelkooda iyo qaraabadooda (remittance) iyo lacago ay ugu talo galaan maalgelin. Qaybta hore, i.e. remittance-ga waxa lagu qiyaasaa $2 billion sannadkii. Qaybta dambena waxaa la qiyaasaa $1 billion” .

Maamulaha guud ee Bangiga Amal mudane Siciid Cali Shire ayaa aad carabka ugu adkeeyay kaalinta iyo dawrka uu Amal Bank ku leeyahay hormarka ganacsiga qurba joogta, waxaana ka mid  ahaa hadaladiisii  :

“ Bangiga Amal wuxuu aamminsan yahay in qurbajoogtu ay dowr weyn oo muhiim ah ka qaadan karaan horumarka dalka. Aamminaadaas ayaan keentay in Bangiga Amal uu adeegyo casri ah oo dabooli kara dhammaan baahiyohooda u diyaariyo qurbo joogta.

Himilada Bangiga Amal waa in uu qayb ka noqdo horumarkaaga qofeed, qoys iyo ganacsi intaba.  Maxaan ugu talo galnay qurbajoogta xirfadlayaasha ah ama hal-abuurka ganacsi leh ee jecel in ay ama xirfaddooda kaga shaqaystaan waddanka ama ganacsi cusub ku soo kordhiyaan waddanka? Bangigu wuxuu sidoo kale diyaariyey adeegyo casri ah oo la jaanqaadi kara baahiyaha macaamiisha sebenka. Tusaale ahaan, waxaan diyaarinay online banking, mobile applications, sms banking, branches network, international trade, debit cards, etc.

Haddaba, heer kasta oo aad kaga jirtid giraanta qurbajoogta Bangiga Amal waa ku soo dhowaynayaa wuxuuna kuu noqonayaa saaxiib dhow, walaal iyo wheel.

Dhanka kale waxaa  sharax kooban ka bixiyay barnaamijka maalgelinta iyo hormarinta ganasiga qurba-joogta  madaxa suuqgeynta Bangiga Amal Muadane/ Cabdikhayr Abshir Jaamac oo tilmaamay ahmiyada uu leeyahay barnaamijkan wuxuuna yiri :

“ barnaamijkaani wuxuu qayb ka yahay barnaamijkaas mugga weyn ee aan ugu talo galnay qurba joogta. Barnaamijkaani wuxuu daboolayaa mid ka mid ah baahiyaha ay la kulmaan qurbajoogta ganacsiga ka yagleelaya Soomaaliya.

Baahidaasi waxay la xiriirtaa sidii qurbajoogtu u heli lahaayeen working capital. Sidaad ogtihiin bangiyada ka hirgalay Soomaaliya waa bangiyo Islaami ah. Bangiyada Islaamiga ahina haddiiba ay bixiyaan lacag caddaan ah waa in ay noqoto Qarad Xassan (interest free loan).

Maxaa dhaca markaas? Waxa dhacaya in qof qurbajoog ihi soo bandhigo barnaamij aad u qurux badan. Marka barnaamijkii la qiimeeyo ayaa qofkii la waydiinnayaa, wixii maalgelin ah nooc ay noqdaanba bangigu waa bixin karaa laakiin side u daboolaysaa lacagtii fara qabsiga ahayd ee aad ku dabooli lahayd baahiyahaaga lixda bilood ee hore. Maadaama uusan qofkii heli karin working capital, bangigiina bixin karin Qarad Xassan, waxa dhacaysa in mashruucii aadka u faa’iidada badnaa la maalgelin waayo oo lacag cabsado.

Mashruucaan oo ay iska kaashadeen Spark iyo Bangiga Amal wuxuu dawaynayaa arrintaas. Bangiga Amal ayaa wuxuu lacag Qarad Xassan ah ka qaatay Spark. Ujeeddada lacagtaasi waa in bangigu uu ku sii bixiyo Qarad Xassan, laakiin la siiyo dadka qurbajoogta ah ee ku dhex jira ganacsiga ama yagleelaya ganacsi.  Lacagta 100% waxa bixinaya Bangiga Amal. Qaybta lacagta ah ee ka timid Spark waa dayn uu bangiga Amal ka qaatay Spark. Haddii ay dhacdo Eebbe (sw) ma qaddaree in qof bixin waayo lacagtaas, waa dayn lagu leeyahay Bangiga Amal.

Bangiga Amal wuxuu u bareeray khatar (risk). Ujeeddada aan khatartaas ugu bareernayna waa in aan gacan ka geysanno horumarka qurbajoogta. Ujeeddada aan khatartaas ugu bareernay waa in qof ganacsi waxtar u ah bulshada abuuri lahaa uusan uga baqin in uusan heli karin working capital.

Dhinaca kale,Khaalid Xassan oo  ah Madaxa Hay’adda Spark ayaa isna
dhiniciisa ka warmay  barnaamijka maalgelinta iyo hormarinta ganasiga qurba-joogta, wuxuuna tilmaamay in qurba-joogta soomaaliyeed ay aad u nasiib bada yihiin maadaama ay fursad u helaan barnaamijkan ay waddo  Spark oo ah  Maal-galin lagu  sameeyo Wadamada So kobcayaa kana so baxay Khalalaasaha iyo Dagaalada, wuxuuna tilmaamay in ilaa sideed wadan uu ka shaqeeyo barnaamijkan, qurba joogta soomaaliyeedna ay noqdeen kuwa ugu badan ee faa’ideystay.

Dhamaan ka soo qeybgalayaashii madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay Bangiga Amal iyo Spark, kuna tilmaamay inuu yahay barnaamijkan midkii loo baahnaa, yimina xiligii loo baahnaa ayna rajaynayaan inay ka faa’iideystaan dadkii loo baahnaa.

img_0269

img_0276

img_02591

copy-of-img_0320

copy-of-img_03161

 

copy-of-img_0264copy-of-img_0288 copy-of-img_0306