PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo maanta iscasilay

Share

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa Maanta sheegay inuu iska casilay xilkii, Islamarkaana uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas warqadiisa iscasilaada.

Wasiirka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta inuu xilkan uga tagay duruufo qoys oo isaga u gaar ah wuxuuna sheegay inuu ka aqbalay Madaxweyne Cabdiwali Gaas iscasilaadiisa.

Wuxuu uga mahadceliyay Soocade wada shaqeyntii soo dhex martay Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Qeybaha kale ee Dowlada Puntland.

Maxamuud Xasan Soocade ayaa kasoo qabtay Xukuumada Madaxweyne Cabdiwali gaas xilka uu maanta iska casilay iyo Wasaarada Ganacsiga waxaana lagu xasuusan doonaa khilaaf ,waxqabad la,aan iyo hadalo aan u fiicnayn sumcada dowladnimada oo uu adeegsan jiray xilliyada uu ka hadlayo warbaahinta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

2 comments

  1. waxa ilaa muuqataa in ay tahay akhlaaq xumo in shiqsigan sida sharafta leh is casilay in wax laga shiigana aytahay arin khaldan . so cade waa ninkii ku difaaci jiray afkiisa dowlad ku sheegta puntland. waxa ay cadaynaysa wax uu uga tegay in ay tahay musuq maasuqa ka jjira wedenka ee ah kan halkaas dhigay.
    marka aan ka hadlo dhinaca saxaafadana saxaafadu waa seef laba af leh taas oo ay Africanku u isticmaalan dhinaca xun mana haboona in la siiyo madax banaani intaa leg waayo dadka ka shaqeeya ma ah ku ay ku dheehan tahay wadani nimo iyo akhlaaq ilaalin habka ka shaqanta danta dalka .

Leave a Reply