Safiirka Soomaaliya u fadhida Dalka Hindiya oo beenisay in 50 wiil oo Soomaaliyeed dil lagu xukumay

Danjire Ebyan Ladane Saalax
Danjire Ebyan Ladane Saalax

Safiirka Soomaaliya u fadhida Dalka Hindiya Danjirad Ebyan Ladane Saalax ayaa beenisay warar maalmihii u danbeeyey ay Dadweynaha iyo saxaafada Soomaalidu si aada isula dhex maraayeen taas oo sheegaysay in 50 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Dalka Hindiya loona haysto falal Burcad badeednimo in lagu xukumay dil.

Sida barta ay ku leedahay Facebook-ga ku baahisay Dajirad Ebyan waxay sheegtay inuusan weli dhicin xukunka dhalinyaradaas, sida ay u xaqiijiyeen qareenada difaacaya dhalinyaradan “Qareenka u qaabilsan Somalida burcadbadeednimada lagu haysto ee India, ayaa akhbaarta uu u soo direy Safaaradda ku caddeeyey in go’aanka kama danbeysta ah la sugayo September 30, 2016. Warbaahinada ayaa sidey doonaan wax u qorey ayuu yiri, iyadoo wali go’aan la gaarin. Go’aanka ka dibna labada dawladood ayaa ka shaqaynaya sidii maxaabiista lagula wareegi lahaa. U soo duceeya, in rabi howshooda fududeeyo” ayey tiri Danjire Ebyan Ladane Saalax.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si aada uga carooday warkan iyadoo mudaharaadyo xoogan oo lagu diidan yahayna ka dhaceen qaar kamid ah Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, waxaana falkan si kulul cambaareeyey Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.

Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa falal Burcad badeenimo, argagixisanimo iyo tahriib ugu xiran daafaha Caalamka, mana jirto Dawlad awood u leh inay kula xisaabtanto xaquuqda ay dhalinyaradaas Soomaaliyeed leeyihiin.

PUNTLAND POST