Caruur la xaday oo maanta lagu soo bandhigay Bosaso

Boosaso.(Puntland Post):-Xarunta taliska qaybta Booliska ee gobalka Bari ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay saddex caruur ah oo isugu jira labo gabdhood oo jira min hal sano iyo wiil jira saddex sano, kuwaas oo laga soo xaday walidiintood sida ay sheegeen laamaha amaanka ee Gobolka  Bari.

Goobta lagu soo bandhigayey ayaa waxa goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka gobalka Bari, ku xigeenka duqa degmada Boosaso, taliye ku xigeenka qaybta gobalka Bari iyo masuuliyiin kale.

Taliye ku xigeenka qabta booliska gobalka Bari Oo La hadlayay Saxaafadda ayaa sheegay inay haweenay goobta ku sugan ay ilmahan u keentay mid ka mid ah saldhigyada Boosaaso kaas oo isagunah u soo gudbiyay qaybta.

Taliyah ayaa dhamaan bulshada iyo cid walboo garata wajiyada caruurtan ka codsaday inay walidkood la socod siiyaan lana soo xiriiraan xarunta qaybta booliska ee gobalka Bari si walidiintood loogu wareejiyo.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Bari Axmed Cali Cabdilaahi (Ciro) ayaa dhankiisa shacabka Boosaso ugu baaqay in ay ka gacan siiyan sidii caruuratan walidiintood loo heli lahaa waxaa kale uu shacabka Boosaso ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska .

Hawaynadii ilmahan keentay Qaybta Booliska ayaa sheegatay in Xili duhur ah ay Gabar ilko Cas u soo gashay gurigeeda kuna tiri Hooyo ilmahan ii sii qabo, halkan ayaa wax ka soo qabsanayaa kadibnah aysan dib ugu soo laaban iyadoona sheegaty in ilmahan ay ahaayen kuwo gaajaysnaa xiliga ay uga tagaysay iyaduna ay la tacaashay sidii ay wax u siin lahayd kadibna ay keentay saldhiga Qaybta Booliska ee Gobalka Bari

6366

6367

6368

6369

6372

6364

6365

6372

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST BOOSAASO