Maamulka Gaalkacyo oo bilaabay qorshe lagu diiwan gelinayo goobaha ganacsiga

Dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa waxa ay bilowday qorshe lagu diiwaan gelinayo goobaha ganacsi ee magaalada galkacayo. iyadoo goobahaasi laga buuxinayo waraaqo ay ku qoran yihiin su’aalo.

Su’aalaha la weydiinaayo ganacsatada ayaa wax ka mad ah nooca ganacsi jumlo ama tafriiq xiligii la furaya . goobat gancsiga , shatigeeda iyo in laga qaado cashuurta.

Qorshaha lagu diwaan galinayo ganacsatada gobalka mudug ayaa waxa uu yahay in ay dawalada hoose ee galkacayo ay ogaato goobaha ganacsi ee dakhligu ka soo xaroodo iyo kuwa aan haysan Shatiga ama ruqsada goobtiisa ganacsi iyo in uu dawalada hoose ee galkacayo uu ka haasto aqoonsi.

Howshan ayaa waxaa fulinayey arday laga soo kala xulay jaamacadaha magaalada Gaallkayo, kuwaas oo lagu tababarayey habka ya shaqadan u qabanayaan

Xog hayaha dawalada hoose ee Gaalkacayo Dalmar Maxamed Cali ayaa saxafad lahadalay waxana uu sheegay in ay hawshani bilaalaabeen ay tahay mid aan hore uga jirin Gaalkacayo waxan uu fariin u diray Ganacasatada gobalka mudug waxan uu sheegay si dhakhso ah ay isku soo diiwan galiyaan .

Waxaa kaloo uu xog-hayah dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo uga digay cidii isku dayda in ay diiwaangalintaani ka hortimaado talaabo sharci ah laga qaadi doono.

Talabadan ay qaaday dawalada hoose ee Gaalkacayo ayaa waxa ay tahay mid lagu ogaanayo ganacsadaha aan haysan aqoonsiga ganacsi iyo kan haasta,

SAWIRRO :

galkacyo-13-copygalkacyo-7galkacyo-10-copygalkacyo-9-copygalkacyo-5galkacyo-3-1