Maxkamada Hagua oo Maanta dhagaysanysa Dacwadda Soomaliya Ee dhanka Badda

Dhageysiga Dacwada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta gashay wajigii labad waxan maanta galdacwadeedkeeda la dhagaysanaya  dawalada somaliya iyadoona maalintii shalay ahad la dhagysatay dacwada dalka Kenya.

 

Guddiga dowladda Soomaaliya u matalaya dacwadaas ayaa maanta ka jawaabaya doodihii ay la timid Kenya oo ahaa labo siyaabood oo lagu xalin karo murankan, iyadoo la raacayo heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen labada dal iyo in loo maro heshiiska caalamiga ee xadeynta Baddaha ee Qaramada Midoobey.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka soomaliya  Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in haatan aan la joogin marxalad looga hadlayo heshiiskii is afgaradka ahaa, isla markaana horay uu Baarlamaanka u diiday, lagana soo gudbay.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in labada dowladood Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiin waayeen, sidaas darteed ay noqotay in Maxkamad lagu kala saaro .waxan uu sheegay in uu rajo wan ka qabo in ay ku guulaysanayaan dhagaysiga dacwadan u dhaxaysa soomaliya iyo Kenya.

Mudahardyo kal duwan ayaa ka socoda qaar kamid ah wadamada yurub kuwaas oo ay dhigayaan soomalida ku nool wadamadaasi

Dhagaysiga maxakamada Hagua. Ayaa socon doonta ilaa malinta jimcaha waxan Somali badan ay ka war sugayaan natiijada ka soo bixi doonta dacawadda dhanka bada oo noqotay qadiyada midaysay shacabka soomaliyeed .

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST