Muran ka taagan Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Muran xoogan ayaa ka taagan qaabka loo soo xulaayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe loo dhisaayo.

Qaar ka mid ah beelaha ku sugan shirka ka socda magaalaa Jowhar ayaa si weyn ugu kala aragti duwan soo xulista xildhibaanada uu yeelanaayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo dhisaayo.

Gudoomiyaha ku xigeenka dhanka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo la hadlay qaar kamid ah warbahinta  ayaa sheegay in qaar ka mid ah beelaha ka qeyb galaya shirka Jowhar la xaqiraayo.

Wasaarada arimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayuu  ku eedeeyay in ay jaan goysay xildhibaanada uu yeelanayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in shirka magaalada Jowhar uu qarka u saaran yahay in uu burburo ka dib markii beelaha qaar ay waayeen xildhibaano ay leeyihiin.

Sikastaba  ha ahaate Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeedo shirka kasocdo magaalada Jowhar , waxaana shir gaar ah ay ka furteen magaalda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor magaalada Jowhar ka furay wajigii labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Lama oga halka ay ku dan bayn doonta is haysadka ka dhex taagan  maamul u samanta gobalada Hiiran iyo Shabeelada Dhexe..

CABDIQANI BOOS