diyaarad Qaad Waday oo shil ku gashay degaanka Bardaale

Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarad qaad siday ay saaka shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmadaas, xilli ay caga-dhiganeysay.

Sida ay soo warisay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA diyaaradan ayaa cilad ku timid, kadib markii ay ka baxday dhabbaha garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in aanay jirin wax khasaare nafeed, waxaana goobta diyaarada shilka ku gashay ku sugan ciidamada maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM.

Garoonka degmada Bardaale oo ah garoon macmal ah ayaa maalin walba waxaa ka dega diyaarado Qaad ka keena dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa garoonkan isticmaala Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya, halkaasoo sahayda uga soo dego.

Dagmada Bardaale ayaa ka  mid ah dagmooyink ay gacnta ku hayaan Maamulka koonfur galbeed in kastoo jidadka soo gal ay gacanta ugu jirto Kooxda Alshabaab.

dhawan ayey ahad markii ay dawalada Soomaliya ay Fasaxday Qaadka laga keeno Dalka kenya kadib markii uu mudo ka maqnaa gudaha wadanka soomaliya .

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST