Dagaalo ka dhacay deegaano hoos taga Buur Hakaba Ee Gobalka Baay

Dagaalo ayaa ka dhacay deegaano hoos taga Buur Hakaba, gobolka Baay.
Dagaalada ayaa waxay salka ku hayaan dhul beereed lagu murmay. Dagaalada oo in dhawaale dhacayay ayaa u dhexeeya jilibyada beel weyn oo deegaankaa dagta.
Sidoo kale ayaa waxaa lagu soo waramayaa in weli haatan oo aanu maqaalkaan qoreyno xiisado colaadeed ay deegaanadaa ka taagan yihiin.
Waanwaan nabadeed iyo dadaalo ayaa sidoo kale iminka socda ayadoo warbaahinta ay nabaddoono u marinayaan dadka colaada wada inay durba joojiyaan.
Dadaaladaa ayaa ka socda meelo badan oo kale oo ka tirsan gobolkaa ilaa caasimada Muqdisho.
Sidoo kale ayaa waxaa lagu soo waramayaa in odayaal ay ku kala dhex jiraan dadkaa colaadu ka dhexeyso ee dariska ah isla markaana wada daga ee walaalaha ah.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST