Muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo lagu wado in ay furto maxkamada Hague

Muranka u dheexaya soomaliya iyo dalka kenya ee dhanka bada ayaa lagu wadaa in malinta bari ah ay dacwad uga furanto Maxkamad Caalamiga ah  the Hague, dalka Holland .

Dacwad ayaa sida la rumaysan yahay waxa aya bilaabmaysaa Malinta  Isniinta  ee beri ku beegan  iyadoona socon donta  maalmaha soo socda   dawlada dalka Kenya ayaa muran ka keentay xarriiqa xadka ee badda labada dal u dhexeeya ayadoo dooneysa in hoos iyo dhanka Soomaaliya loo leexsho meel la siman magaalooyin iyo dhul Soomaaliya kuyaal taasoo Soomaali aad u badan u cuntami la’. |

waxaa magaalada the Hague ee Holland kusii qulqulaya abukaateyaal badan iyo wafuud doonaya inay ka qeyb qaataan dooda dacwada dhici doonta malinta  isniint ah ee ku beegan Barito.

Kenya ayaa ku andacooneysa in halkaa la isku hayo ay qeyb ka tahay  xuduudka dawlada dalka kenya waxayna sheegtay in  xeerarka caalamiga ahi u ogol yihiin inay  ka kalluumeysato amaba macdan iyo shidaal ka qodato

Lama oga halka ay sal dhigan doonto Muranka u dhaxeeya soomaliya iyo dalka kenya ee dhanka badda Soomali badan ayaa u dhag taagaysa natijada ka soo bixi doonta Maxkamada Hague ee wadanka Holland.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST