Bosaso 60 Darawal oo u tartamay gaadiidka wadada Ceel-daahir iyo Ceergaabo

Bosaso (Puntland Post):- Guddiga ku hawlan dhisamaha wadada Ceel-daahir iyo Ceergaabo ayaa  Boosaaso imtixaan kaga qaaday 60 dareewal oo tartan u gelay kaxaynta gaadiidka kala duwan ee looga shaqeynayo mashruuca dhismaha wadadaas  ka dib markii ay kusoo baxeen 60-kaan darawal isku shaandheyn lagu sameeyey ku dhawaad 120 darawal oo soo codsaday shaqadan.

Waxaa kormeerayay imtixaanka laga qaaday darawaladan xubno khuburo ah oo ay soo xuleen guddiga mashruuca dhismaha wadada Ceel-daahir ilaa Ceergaabo.

Maxamed Mahad Ciise oo xubin ka ah guddiga ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee dareewaladaan laga qaadayo imtixaanka ay soomareen

Generaal Cali Ismaaciil oo ku hadlayey magaca guddiga sare ee mashruuca ayaa  natiijo wanaagsan u rajeeyey tartamayaasha u tar tamaya kaxanta gaadiidaka wadad Ceel daahir iyo Ceergaabo.

Kormeerayaasha qaadayay Imtixaanka Shaqaalaysiinta ayaa xaqiijiyey in talaabadaani ay qayb ka tahay mid hormar ah oo ay qaaday Dowlada Puntland .

Si kastaba ha ahaatee waxaa dhawaan  la filayaa inay si rasmi ah u bilaabato dhisida wadada Ceel daahir iyo Ceergaabo taas oo ah mid ay baahi wayn u qabaan bulshada Gobolka Sanaag iyo Guud ahaan Puntland.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST