Maamulka Degmada Godobjiraan oo maanta la wareegay gaari boolis

Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyaha Degmada Godob jiraan ee Gobolka Nugaal Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa-weyne) ayaa maanta la wareegey gaari boolis nooca lagu qaado maxaabiista ee loo yaqaano shabaqlaha , kana mid ahaa afar baabuur oo loo soo iibshay degmooyinka kala ah Xarfo, Godobjiraan,Isku shuban iyo Degmada Dongoroyo oo dhamaantood ka tirsan Puntland.

Taliyaha ciidanka kumaandoosta Puntland Col Jimcaale Jaamac Takar ayaa ku wareejiyey Gudoomiye Yuusuf Gaarigan oo 20 cisho ee lasoo dhaafey si kumeel gaar ah looga shaqeynayay howl-galkii loogu magac daray Danab 2 ee ka socday Caasimada Puntland, Wuxuuna imaanaya gaariga la siiyay degmada maamulka  Godobjiraan ka dib markii dhawaan laga dhisay magaalada Godob saldhig boolis oo wayn..

Waxa uu sheegey Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan inay hoosyimaadaan maamulkiisa in ka badan dhowr iyo labaatan tuulo oo u badan xeebo, sida lagu yaqaanana dhulka xeebaha ay ka dhacaan arrimo badan oo ku saabsan amniga , Islamarkaana uu wax weyn ka tari doono gaarigani sugida amnigooda.

Tan iyo Markii loo dhisay Godobjiraan Maamul iyo Golle deegaan waxay ka mid noqotay magaalada Godob degmooyinka soo koraya ee Puntland oo ku talaabsaday horumar muuqda , Godobjiraan oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa ka mid ah degmooyinka cusub ee Puntland .

Dhagayso Gudoomiye Yuusuf Geesa-weyne

dscn4752

img-20160917-wa0001 img-20160917-wa0002 dscn4754 dscn4755 dscn4756 dscn4757 dscn4759 dscn4762 dscn4764 dscn4765Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST