Siyaasi Bosaso uga dhawaaqay musharax u taagan xubinta baarlamanka Somalia

barishkolo-copy
Musharax Barishkolo oo ka tirsanaa Xukuumaddii hore ee Dr Faroole

Bosaso (Puntland Post):- Siyaasi Maxamuud Xaaji Saalax(Barishkolo) oo horay Wasiir uga soo noqday Puntland ayaa maanta kaga dhawaaqay Boosaaso in uu u sharaxan yahay Xubinta Baarlamaan ee Dowladda Soomaaliya.

Musharax Maxamuud Xaaji Saalax(Barishkolo) oo Saxaafada kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in uu yahay Musharax u taagan xubinta Baarlamaanka ee Soomaaliya

Wuxuu sheegay Musharaxnimadiisa ay ku qasabtay kadib markii uu arkay Wacyiga uu dalku marayo iyo xaalada kala guurka Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

” Waxaan isugu kiin yeeray inaan halkan ka sheego inaan ahay Musharax u taagan xubinta Xildhibaanimada dowladda Federaalka kadib markaan arkay waxaa igu khasbay Wacyiga lagu jiro maanta,markaan arkay kala guurka Siyaasada ah inaan ahay shaqsi.

Mudane Maxamuud Xaaji Saalax(Birishkolo) ayaa sheegay in uu door weyn ka qaadan karo xalinta khilaafaadka ,dib usoo celinta sharafta iyo qadarinta iyo midnimada Soomaaliyeed.

“” Waxaan ahay shaqsi door weyn ka qaadan kara xalinta khilaafaadka,dib usoo celinta sharafta,qadarinta iyo midnimada Ummada Soomaaliyeed sidaas darteed markaan arkay waxaan u Istaagay inaan noqdo Musharax u taagan xubinta Xildhibaanimada ee dowladda Federaalka””ayuu yiri

 

Taariikhdiisa oo kooban

Magaciisa oo dhameystiran: Maxamuud Xaaji Siciid Saalax(Birishkolo)

1,Wasiirkii hore ee Beeraha Dowladda Puntland xilligii dowladdii

Cabdiraxmaan Faroole.

  1. Guddoomiyihii Guddiga shirka Wadatashiga ee Puntland
  2. Guddoomiyaha Guddiga Jaaliyaddaha Puntland

Guddoomiye kuxigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada 2007-2008

Guddoomiyaha American United Council

Guddoomiyaha Puntland Diaspora Forum Ohio USA.2008-2010

  1. Waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka iyo dibadiisa

. Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed (Gaheyr)

Bsc: Civil Engineering

. Postgratuate:

Irrigation Engineering(Italy)

Information Technology (Canada)

MBA (Master of Bussiness Administration)

Xafiiska Warfaafinta ee Musharax

Eng Maxamuud Xaaji Saalax(Barishkolo)