Bosaso Jamacada Bariga Afrika oo imtixaan ka qaaday arday cusub

Bosaso (Puntland Post):- Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda magaalada Bosaaso ayaa saaka intaxaanka aqbalaada ka qaaday ardayda Sanadkan iska diwaangelisey waxbarashada sare ee Jamacada Bariga Afrika.

Madaxa imtixaanaadka Jaamacadda Bariga afrika Shiikh Axmed Yuusuf Garaase ayaa sheegay, in ardayda intaxaanka ka gudubta ay  geli doonaan kuliyadaha kalla duwan ee jaamacda Baraiga Afrika iyadoona  Jaamacadu soo kordhisey Kuliyado kala duwan  sanad waxbarsheedkan cusub.

Siciid Axmed Baxwal Madax Xafiiska diwaangelinta Jamacad ayaa sheegay in diwaan gelinta ardayda ay Soconeeyso ilaa 29 bishan Sagaalaad. Waxan uu ardayda xagaa baxaday ee dib u soo noqonaya ee raba in ay Jamacada Bariga Afrika  ay ka mid noqdaan ay jamcadu soo dhawaynaso .

Jamacada Bariga Afrika  ayaa ka mid ah Jamacadah ugu horeeya soomaliya iyadoona faracyo kaladuwan kuleh Deeganda Puntland.

SAWIRO………..

 

DHAGAYSO WARBIXIN,