Boosaso Musharax Qado Sharaf U Sameeyey Beesha Siwaqroon

Bosaso (Puntland Post):-   Qado Sharaftan Uu Musharaxa Xilka Barlamanka Somaliya Maxamed Siciid Saalax Uu La Qatay Besha Abokor Cabdirixmaan Ee Siwaqroon Ayaa Ahad Mid uu Kaga Dalbanayay Tagerida Besha.

Musharaxan Prof: Maxamed Siciid Saalax Ayaa Horay Isku Soo Sharaxay Xilka Ka Mid Noqoshada Barlamanka Puntland Ee Dorashada Uu Ku Gulaystay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxwaynaha Talada Puntland haya.

Odayasha Waxgaradka Iyo Nabadonada besha Abokor Cabdirixmaan Ee Siwaqroon Oo Gobta Qado Sharafta Ka Hadlay Ayaa Waxay Tagero Iskumida U Mujiyeen Musharaxa iyagoona Jifoyinka Kale Ee Besha Siwaqroon Ka Codsaday Dorashadan inay Xubintoda Barlamanka Siyaan Musharax Maxamed Siciid Saalax.

Munasabada Qadada Int ay Socotay Waxaa Sidoo Kale Ka Hadlay Dhalinyaro Ka Soo Jeda Gobalka gardafuu Iyo Ganacsato Waxay Dhankoda Tagereen u mujiyeen Musharaxa Isku Soo tagay Xubinta Xilibanimada Somaliya.

Ugu Danbayn Waxaa Munasabada Qado Sharafta Ka Hadlay Musharax Maxamed Siciid Saalax waxana Uu Besha Siwaqroon Uu Ka soo Jedo Ka Codsaday Inay Xubinta Ay Ku Leyihiin Barlamanka Somaliya Siyaan Waxana U Sido kale Sharaxay Waxqabadkiisa.

Gudaha Dalka Somaliya Waxaa Ka Socda Olalaha Logu Jiro Ka Mid Noqashada Barlamanka Somaliya Waxaa Malinba Malinta Ka Danbaysa Soo Baxaya Musharaxiin u tar tamaya ka mid ahaanshaha Barlamka soomaliya.

 

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST