Wadooyinka Muqdisho Oo dib u Furay Maanta

Waddooyinka Muqdisho ayaa maanta dib loo furay, kadib lix maalmood oo u xirnaa ammaanka Shir Madaxeedka IGAD oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa dib u bilaabay isticmaalka waddooyinka, sida Wadada Maka Al-Mukarama, qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, Tarabuunka, Taleex iyo kuwa kale.

Ciidamada ammaanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ka ilaalinayay halka shirka ka dhacayay dhowr waddo oo halbowle u ah isu socodka Muqdisho, kuwaasoo aanay u dhoweyn halka shirka ka dhacayay.

Lixdii maalmood ee ay waddooyinka xirnaayeen waxaa saameyn ay ku yeelatay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee wadada Maka Al-Mukarama, halkaasoo ay ku yaalleen goobo ganacsi.

Sidoo kale waxaa ay waddooyinka xirnaanshahooda saameeyeen dabaal dagii ciida iyo dadkii isaga kala gudbi lahaa degmooyinka kale ee u ciideysan lahaa eheladooda iyo asxaabtooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xaqiijinta ammaanka shir madaxeedka IGAD, hase ahaatee dadka waxay ku eedeynayaan dowladda inay qaabab kale u adeegsan kartay sugida ammaanka shirkaas, bedelkii shacabka la xanibi lahaa maalmo, dadkana guryaha lagu xabisi lahaa.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST