Hub lagu qabtay dekeda magaalada Bosaso

bastoolado-768x432Dekedda Magaalada Boosaaso ayaa lagu soo bandhigay Lix baastooladood oo si qarsoodi ah loogu soo qariyey Dooni ganacsi oo ku soo xiratay Dekedda Boosaso laguna magacaabo Shamis 3, waxaana ay ciidanka ilaalada dekeddu sidoo-kale gacanta ku dhigeen Cabdi Maxamed Axmed Saalax oo ah shaqsiga wadey hubkaan .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa saxaafadda u sheegay in hubkaan iyo rasaastoodaba laga keenay dalka Yaman ,

Taliska Booliska ayaa islamarkiiba hubkaan iyo shaqsigii lagu soo qabtay u gudbiyey maxkamadda ciidanka Qalabka sida .
maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa islamaanta u fariistay Gal dacwadeedka kiiskan Dood dheer kadib Maxakamada ayaa riday xukunka Dan biilashan.

Axmed Saalax oo ah shaqsiga wadey hubk ayaa lagu xukumay 20 sano oo xariga Waxana hubkii lagu wareejiyey Dawalada.
Sikastaba ha ahaatee mahana markii ugu horaysaya oo hub qarsoodi ah lagu qabto Dakada Boosaaso

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST