Xasan Sheekh oo ka hadlay Xirnaanshaha Waddooyinka Muqdish iyo shir Madaxeedka IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay Shir madaxeedka IGAD ee todobaadkan ka dhacaya Muqdisho iyo tallaabooyinka la xiriira amniga ee ay dowladdu qaaday.

“Waxaa nagu soo fool leh shir aad iyo aad muhiim ah, madaxdii dalalka IGAD ayaa ku shiraya Muqdisho, arrin weyn taariikhda markii u horeysay ku shiraan waaye waliba heer madaxweyne, hada ka hor wasiirada arrimaha dibada IGAD ayaa halkan ku shiray”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, isagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna u dulqaataan mudada ay xiran yihiin waddooyinka.

“Cadaw badan oo dhib badan ayaa leenahay, sidaas darteed Amniga Muqdisho aad iyo aad ayaa dowladda u adkeysay, iyadoo kaashaneysa ciidamada AMISOM, amnigaas la adkeeyay waa garan karnaa dadka soomaaliyeed culeys dheeri ah ayuu ku yeelanaa, hadey ahaan laheyd xaga nolosha, dhaq dhaqaaqa dadka iyo isu socodka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo dulqaad ugu baaqay shacabka.
Madaxwaynah somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu maanta ku eegyahay wakhtigiisu ayaa sheegay in uu shirkani ku soo adayo xili Munasabad Ciida loo diyar garoobayo Waxana uu tilmamay in wakhti aad u fog la qorsheyey kaas oo socon doona mido kooban .

Cabdiqani Boos

PUNTLAND POST