Micheal Keating oo shaki geliyay in dib u dhac ku iman Karo Doorshada soomaliya.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaki ka muujiyay in doorashada Soomaaliya inay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, isagoo caddeeyay in Beesha Caalamka aanay aqbali doonin khilaaf siyaasadeed oo sababa dib u dhac doorasho.
Danjire Micheal Keating oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa qiray in dib u dhaca ku yimid jadwalkii doorashada ay aheyd in Hoggaamiyeyaasha ay dhameystiraan nidaamka doorashada, isagoo rajo ka muujiyay in dhowrka bilood ee soo socota ay doorasho dalka ka dhici doonto.
“Waxaa aad u muhiim ah in si dhab ah loo raaco jadwalka doorashada, balse hadii ay jiraan sababo farsamo oo dib u dhac keeni kara sida ugu wanaagsan, ayaa la rabaa in loo raaco”ayuu yiri Danjire Micheal Keating.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka iyo ururada bulshada rayidka aanay aqbali doonin dib u dhac dambe oo ku timaada doorashada.
“Beesha Caalamka iyo ururada bulshada rayidka ma aqbali doonaan khilaaf siyaasadeed oo sababa din u dhac aan waqtigiisa la ogeyn inuu doorashada ku yimaado”ayuu yiri Micheal Keating.
Hogaamiyaysha Madasha Wadatshiga Qaran ayaa shir kule Magalada muqdisho ee casimada wadanka soomalya kaas oo an wali wax natiijo ah lag gaarin iyadoona ay argtiyo kal duwan oo u dhaxaysa Madaxda ku aadan qaabka loo marayo Doorashada dalka ka dhacaysa 30 bisha Octobar .

Cabdiqani Boos

PUNTLAND POST