Faraca Bosaso Jaamacadda Muqdisho oo lagu soo kordhiyey maadooyin cusub

Maamulka Jaamacadda Muqdisho ee xarunta Boosaaso ayaa soo bandhigay qaybo cusub oo lagu soo kordhiyey Jaamacadda, Ka dib markii uu sidaas warbaahinta ka sheegey Maamulaha Faraca Bosaso Dr. Abdullahi sh. Xasan Carab oo sheegey in lagu soo kordhiyay Muqdhisho University  qaybo waxbarasho  oo ay ka mid yihiin.

  1. Qaybta Darasaadka islaamka oo ka tirsan kuliyadda Waxbarashada.

Iyada oo la eegayo baahida bulshada Bosaaso ee ku aadan xiliga waxbarashada in fursad la siiyey dadka maalintii shaqaysta, habeenkiina loo furay kuliyadaha qaarkood, isla markaana la ilaalinayo saacadihii waxbarashada. Kuliyadaha habeenkii ay dhigan karaana ay kala yihiin:

  1. Kuliyada Sharciga iyo Qaanuunka, oo ka kooban: a) Sharia & Law. Kuliyada waxbarashada. oo ka kooban qaybahan soo socda:.
  2. Islamic Studies b) Social Science
  3. Math & Physics. d) Biology & Chemistry

Kuliyada dhaqaalaha iyo maamulka, oo ka kooban qaybahan soo socda:

A) Economics. b) Business Administration.
c) Accounting. d) Public Administration.
e) Finance & Banking. f) Statistics.
g) Global studies & international relationship

Kuliyada culuumta kombuyuutarka iyo Tiknoolojiyadda, oo ka kooban qaybahan soo socda:

Computer Science. b) Information Technology.

Jaamcadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca-weyn Soomaaliya ayaa waxay kaalinta 50-aad ka gashay 100-ka jaamacadood ee ugu horreeya Afrika, ayaa ah jaamacadd leh aqoonsi caalami ah waxayna ka mid tahay ururada jaamacadaha ugu waawayn caalamka.

Waxaana dad badan oo ka mid ahaa ardaydii jaamacadda wax ka bartay ay hadda ka shaqeeyaan dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka somaaliya, in kale oo badanna ay tacliinta sare ee mastarka iyo PhD-da ka diyaariyaan jaamacadaha kale ee dunida.

news-2 news-3 news-4 news-5 news-6 news-7 news-8 news-9 news-10

Cabdiqani Boos

PUNTLAND POST