Dib u xasuuso balanqaadkii Madaxweyne Xassan Sheekh 4 sano kadib maxaa ka hirgalay?

Muqdisho(Puntland Post)-Maanta oo ay Bisha September 2016 ay tahay 10 waxay ku beegan tahay xiligii sharciyan uu ku ekaa mudo xileedka Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo la doortay 10-kii September 2012 maanta oo kale, sida caadiga ah waxay ahayd inay Doorashada Madaxweynuhu dhacdo maanta wayse suura geli wayday.

Dhawaan ayey Madaxda Soomaalidu isku raaceen in mudo billa wakhtiga ay xilka sii haynayso loo kordhiyo Dawlada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, taas oo kaga eg Bisha danbe ee October.

Hadaba Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa afar sano kahor maanta oo kale balan qaaday inuu Dalka kusoo dabaali doono Dawladnimo rasmiya hadii loo doorto Madaxweynaha Dalka, Dad badan ayaa aaminsan inuusan wax qabadka Madaxweynuhu uusan gaarin meeshii laga filaayey.

Xassan Sheekh Maxamuud maahayn xiligii loo doortay Madaxweynaha Dalka nin ay Dadku aqoon badan u leeyihiin, hase ahaate saacado kooban ayuu magaciisu ku faafay guud ahaan geyiga Soomaalida iyo daafaha Caalamka.

Warbaahinta Puntland Post ayaa akhritayaasheeda dib u xasuusinaysa balanqaadkii Madaxweyne Xassan 10-kii September 2012 uu kahor jeediyey Baarlamaanka oo xiligaa ku guda jiray Doorashada madaxweynaha Dalka.

Puntland Post