PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

Video article DAAWO Faroole oo caawa shir jaraa,iid oo xasaasi ah ku qabtay Garowe

Share

Garowe (Puntland Post):- Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo shir jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Garowe ayaa uga hadlay saacadda kursigu kaga egyahay Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cambaareyn uu usoo jeediyey fara-galinta beesha caalamku ku hayso arrimaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegey Dr Faroole laga bilaabo caawa saacadda geeska Afrikada bari markay tahay lix saac oo habeenimo inay kaga egtahay xilka Madaxweynimo Xasan Sheekh Maxamuud islmarkanaa looga baahan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu baneeyo xafiiska maalinta berito ah, madaama ay u dhamaatay afartii sano ee uu dalka maamulayay.

“Xasan Sheikh Maxamuud haddii waagu baryo waxaa loogu yeerayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, sida aniga la iigu yeeraba Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

” Afartii sano ee Xasan Sheikh Maxamuud waxay ahayd afar sano oo NGO ah, Afar sano oo bililiqo ah iyo Afar sano khasaaro ah, Sidaas darteed waa inuu xafiiska ku wareejiyo Gudoomiye Jawaari inta laga soo dhisayo Dowlad cusub, ” ayuu yiri Faroole oo intaas ku daray inaysan u dulqaadan doonin waxa uu dalka ka samaynayo Xasan Sheikh.

Dhinaca kale wuxuu si kulul u cambaareeyey Musharax Cabdiraxmaan Faroole xanibaad lagu soo rogay isu socodka gadiidka Muqdisho ,midaas oo uu sheegey inay tahay xadgudub aan la dhayalsan karin, Sidoo kalena wuxuu dhaliilay fara-galinta beesha caalamku ku hayso arrimaha Soomaaliya.

DAAWO SHIRKA JARAA,IID EE DR FAROOLE

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

1 comment

  1. ciid wanaagsan somaliyey meelkasta oo aad kajoogtan aduunyada.
    “”” waxaan rabaa walalayaal inaan iftiimiyo wax yar oo ku saabsan kudbadii faroole oo uu uga hadlay madaxweynaha jamhuuriyada somaliya ee xiliigiisii dhamaaday” hadalka faroole waxuu natusinayaa inuu ka,aradyahay arigtida saxda ah waxuuna doonayaa inuu somali madaxweyne unoqdo sabatoo ah waxuu hadalkiisii kusoo koobay kasoo bax madaxtooyada, hadlkasi waxuu u dhigmaa ninkii yiri nin dhintay oo xabaasha loo siiwado intii aan lagaarin xabaasha war naga aasa og galiya qabriga, hada lama gaari ogow” waa wax layaableh runtii. madaxweynuhu asagaaba kadagaya xukunka oo waxaaba lagu jiraa xiligii udanbeeyay ee iska sug adeer aan kuu duceynee”” siyaasiinta reer puntalnd mayaqaaninin sida loogu shaqeeyo somaliweyn ee waxay yaqaanin sida qabiilka loogu shaqeeyo waana tan kaliya dhaafisay xigmadii. Faroole haduu fiican yahay oo uu hayo fikir fiican muu kadlo dhibaatada haysata somalida meelkasta oo joogaan, khilaafaadka nacasnimada ah oo ay abuurayaan gaaass iyo waxa lasocda meelkasta oo latago ayaga unn baa wax diidan, markaad fiirisid war dadkaan maxay kahadlayaaa oo ay wax walba u diidan waxay ku soo biyo shubaneysaa! wax bursi, wax badsi, ugargaarida shisheeyaha. SAXIIBAYAL dadnimda waxaa kamid ah hadii aad tahay in aadan qaadan wax aadan xaq ulahayn, amaba dadkale waxooda. Markaad fiirsid siyaasiyiinta kayimaada waxay mashquul ku yihiin wax aan habooneyn sida halaygu daro, halysiiyo annaa mudan ayagoonba fiirineyn hareerahooda, kama hadlan wax wax utaraya qof somali ah, waan layaabya. Aaan isweydiino walalayaal siday suurtgal ku tahay in dadka noocaas ah oo aanba waxba reebeyn oo aan aqoosaneyn dadka somaliyeed sideen u ugu doorana madaxda umada somaliyeed, caqaligooda waa gobol katirsan somaliya oo layiraa puntland. waxaa dhihi lahaa jooga puntlantiina sababtoo ah ayaadaad rumeysantihin ee kaleexda arimha somaliyen sababtoo ah codkiina iyo masiirkiina waa isir iyo jufo waxaad tahiin dad u jajuuban qabillka iyo qabyaalda. war somaliaay iska fiiri kuwaas ” halka il leh oo aan layn labo indhood oo ay wax ku arkaan.

Leave a Reply