FAO oo siisay gaari kaluunka lagu kaydiyo Deegaanka Tawxin ee Gobolka Gardafuu

(Puntland Post):- Gaari nooca lagu kaydiyo kaluunka ayay hay,adda cuntada adduunka iyo beeraha ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FAO ku wareejisay Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlada Puntland, Iyadoona loogu tala-galay gaarigan Kaluumaysatada Deegaanka Tawxin ee Gobolka Gardafuu .

Goobta lagu wareejinayey gaariga waxaa goob joog u ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga , Agaasimaha Wasaaradda Kaluumaysiga,Madax ka socotay xafiiska hay,adda FAO, iyo Wakiil ka socda kaluumaysatada deegaanka Tawxin oo hoostaga degmada Bareeda ee Gobolka Gardafuu.

Yuusuf  Cali Yuusuf oo ah Masuul kasocday Hay dda FOA ayaa ugu horan goobta ka hadalay, wuxuuna ka sheekeeyay marxaladaha uu soo marey gaarigan , Isagoona kula dardaarmay kaluumaysatada Deeganka Tawxin inay ilaashadaan Gaariga.

Axmed Maxamed Ciise oo ah Wakiil ka socday kaluumaysata deeganka tawxin ee dagmada Bareeda ee Gobolka Gardafuu ayaa dhankiisa sheegay in uu garsiin doono gaarigan kaluumaysatadii la siiyey , Isagoona u mahadceliyay Hay,adda FAO

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Axmed Cali Gabax iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdiqani Yuusuf Salaad ayaa FAO uga mahadceliyey gaariga ay ugu deeqday mid ka mid ah deegaanada xeebta ee ka tirsan Gobolka Gardafuu ee Puntland.

Masuuliyiintan ayaa kula dardaarmay kaluumaysatada deegaanka Tawxin inay ilaashadaan hantida la siiyay islamarkaana ay ugu shaqeeyaan bulshada deegaanka ku nool.

Waxayna sheegeen masuuliyiintu inuu kusoo beegmay gaariga loogu deeqay deegaanka Tawxin xilli kaluumaysatada ka xamaasha xeebta deegaanka baahi wayn u qabeen gaarigan.

SAWIRO

img_9359  img_9365 img_9370 img_9372 img_9378 img_9393 img_9394 img_9396 img_9397 img_9398 img_9399 img_9400img_9328 img_9341 img_9343

Cabdiqani Boos

PUNTLAND POST