Somaliland: “Nama khusayso Amarka lagu joojiyay diyaaradaha Qaadka”

Somaliland ayaa sheegtay in aanu khuseyn go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku joojisay duulimaadyadii qaadka ee ka imaan jiray Kenya, laga bilaabo 6-da September oo maanta ku beegan.

Wasiirka Gaadiidka ee Somaliland Farxaan Aadan Heybe oo la hadalay qar ka mid ah war baahinta  ayaa sheegay in aanay iyagu ka tirsaneyn Soomaaliya, isla markaana diyaaradaha qaadka ay isticmaali karaan garoomada diyaaradaha Somaliland.

“Go’aanka Soomaaliya ku joojisay Qaadka nama khuseeyo, diyaaradaha qaadka sida waxay isticmaali karaan garoomada diyaaradaha Somaliland”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Somaliland.

Somaliland ayuu qaadka uga yimaadaa Itoobiya, waxaana uu soo maraa dhinaca dhulka, balse magaalada Laascaanood ayaa maalin kasta ka degta diyaarad Qaad sida oo ka timaada Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka ay ku joojisay duulimaadyada qaadka ee Kenya ka keena ay tahay mid KMG ah, isla markaana uu saameynayo dhamaan garoomada diyaaradaha Soomaaliya.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST