PSAWEN oo qalab biyood maanta siisay magaalooyinka Puntland.

Hay,adda Biyaha,Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Puntland (PSAWEN) ayaa maanta ku wareejisay qalab biyood shirkaddaha ka shaqeeya biyo-galinta magaalooyinka Garowe, Bosaso,Gaalkacyo,Qardho, Buurtinle iyo Bacaadweyn,Ka dib munaasabad  ka qabsoontay xarunta hay,addu ku leedahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Hay,adda Biyaha,Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Puntland (PSAWEN) Xirsi Xasan Nadiif ayaa  gudoon-siiyay qalabkan masuuliyiinta shirkadaha kala ah NUWACO  oo ah Shirkadda Biyo-galinta Garowe ,GUMCO oo ah shirkadda biyo-galinta Bosaso,HODMAN oo ah shirkadda biyo-galinta Qardho,GALWA oo ah shirkadda biyo-galinta Gaalkacyo,BWC oo ah shirkadda biyo-galinta Bacaad-weyn, iyo MAWASO oo ah shirkadda biyo-galinta Degmada Buurtinle.

Xirsi Xasan Nadiif Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda PSAWEN ayaa sheegey in midowga Yurub uu ugu deeqay Puntland qalabkan si loo horumariyo baahida biyaha ee dalka ka jirta, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay mudan yihiin shirdaha magaalooyinku in la taakuleeyo, isagoona sheegey inay meel hoose kasoo bilaabeen shaqada, Islamarkaana ay yihiin maanta kuwo gaaray heer isku filnaansho.

Waxaa ka mid ah qalabka la siiyay shirkadaha Bumbooyinka biyaha loo isticmaalo,Keeybalada biyaha,Tuuliska biyaha iyo Agabyo kale oo dhamaantood laga soo iibshay wadamo ku yaala Qaarada Yurub.

1 DSCN4056 DSCN4057 DSCN4058 DSCN4060 DSCN4065 DSCN4069 DSCN4076 DSCN4079 DSCN4080 DSCN4087 DSCN4090 DSCN4099 DSCN4105 DSCN4109 DSCN4116 DSCN4119Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST