Madaxweynaha Puntland oo ka qayb-galay shirka ka furmay Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 September, 2016 waxaa uu ka qayb galay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee doorashada Soomaaliya, kulankaas oo ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ,Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo Madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa qorshe howleedyada lagu diyarinayo doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016, waxaana la isla qaatay in ay muhiim tahay doorasho dalka ka dhacda sanadkan 2016, taasi oo lagu gelayo qorshayaasha ay madashu ka wada tashatay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee doorashada Soomaaliya ayaa caddeeyey in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay si adag ugu diyaar garoobeen inay dalka ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin dib u dhac ku yimaada mar kale doorashada Soomaaliya.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

IMG_5860 IMG_5867 IMG_5870 IMG_5873 IMG_5901 IMG_5904 IMG_5914 IMG_5926 IMG_5939 IMG_5959 IMG_5961 IMG_5965 IMG_5974 IMG_5976 IMG_5979 IMG_5988 IMG_5996 IMG_6002 IMG_6007 IMG_6012