Wargelin Deeq Waxbarasho Shaqaalaha Dowlada Puntland

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa faraysa dhamaan shaqaalaha Dowlada Puntland inay ka faa,iideystaan barnaamij deeq waxbarasho Jaamacadeed ah oo loogu talo-galay in lagu kobciyo Kartida, Tayada iyo Xirfadda Shaqaalaha.

Deeqdan waxbarashada Jaamacadeed ayaa ah mid ka kooban heerka 1aad iyo kan 2aad ayay Wasaaradda Waxbarashada Puntland u dejisay qorshe ka duulaya hufnaanta qaybinta deeqaha waxbarasho, waxayna u samaysay hanaan lagu maamulayo ka dib markii uu guddi u magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland .

Warbixin kazoo baxday Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu wargaliyay dhamaan shaqaalaha dowladu inay ka faa,iideystaan fursadan oo ah mid socon doonta ilaa 09/09/2016

Hadaba halkan hoose ka Akhriso Faahfaahinta Deeqdan

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/09/DW1.pdf

Sidoo kale halkan hoose ka  akhriso Shuruudaha Deeqda Waxbarashada ee loogu talo galay inay ka faa,iideystaan dhamaan Shaqaalaha Dowlada Puntland

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/09/DW2.pdf

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST